Xildhibaannadii la kulmay madaxweyne Xasan Sh. oo bixiyey xog xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) –  Guddi ka kooban 41-mudane oo ay iska dhex xusheen xildhibaanno kor u dhaafaya 130 ayaa maanta u tagay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay gacanta u galiyeen warqad si rasmi ah ay ugu qoran tahay tallo soo jeedin ah in uu xafiiska banneeyo.

Xildhibaannadaas waxaa ka mid Cabdiladiif Sanyare, wuxuu sheegay in madaxweynaha ay la kulmeen una sheegeen tallooyinka ay u hayaan oo ah in uu xilka ka dago.

“Bayaankii aan soo saaarnay labo maalin ka hor annagoo ah 115-xidhibaan oo ahaa madaxweynaha in uu iscasilo ayaa madaxweynaha ugudbinay, waxaan ku hormarnay markii guddoomiyaha baarlamaanka kadibna waxaan u gudubnay madaxweynaha, wuxuuna nagu yiri waa ra’yigiina jawaab waan idinka soo siin doonaa, warkan horrey waan u maqalanay markale waan maqli doonaa,wuxuu nagu yiri idinka i doortay markii horre laakin sharciga soo marra oo mooshin ka dhiga” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in dalabkooda uu yahay in madaxweynaha uu ka dago xilka maadama uu ku guul dareestay arrimaha nabad galiyo iyo heykalka dowladnimo.

Ugu dambeyn, xildhibaannkan ayaa sheegay si la mid ah warqadda ay ku wareejiyeen madaxweynaha ay iyana u dhiibayn guddoomiyaha baarlamaanka iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya.

Siddoo kale, xildibaan Cabdulqaadir Xaashi, ayaa isna soo dhigay bartiisa bulshadda qoraal uu uga hadlaayo kulankii maanta ay la qaatayn, Madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya.

Wuxuu yiri “Maanta waxaan anagoo ah afartan iyo kow Xildhibaan oo ay wakiisheen 116 Xildhibaan oo saxiixay dalabkii Madaxweynaha J. F. Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamud loogaga codsanayey inuu isu casilo maslaxadda dalka awgeed, gudoonsiiney nuqullo rasmi oo dalabkaas lagu sababeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Ka dib, waxaan shan Xildhibaan. oo ahaa guddi kooban oo loo xilsaaray inay arrintaan u gudbiyaan Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Nicholas Kay aan ugu tagnay xafiiskiisa halkaasoo aan ku guddoonsiiney nuqul rasmi ah oo dalabkaas ah. Waxaan ka codsanay inuu gaarsiiyo beesha caalamka. Saddexda mas’uul ba si fiican ayay noo qaabileen. Madaxweynuhu wuxuu yiri, “Xaq baa u leedihiin, adinkaana isoo doortay, wixii iiga aadan dalabkiinana waa idinla soo socodsiinayaa”. Nicholas Kay wuxuu yiri, “Xaq baa u leedihiin inaad eedaysaan Madaxweynaha ama xukuumadda, waxaa darsayaa eedeymaha walow aan saxaafadda wax uga arkay horay, wixii mudan in lala wadaagana waan la wadaagayaa si degdeg ah.” Guddoomiyaha Baarlamaanku isna si wanaagsan buu nooga gudoomay wuxuuna u yeeray TVga Qaranka markuu guddomayey nuqulkiisa.
Anaga rabitaankayagu ma aha in wax la burburiyo, ama geedi socodka dawladnimada Soomaaliya dib si caqli xuma ah loogu celiyo. Waxaa weeye in Madaxweynuhu saxo khaladaad is biirsaday oo dhinacyo badan ah oo iyagu laftoodu qaranimadii Soomaaliya dib u dhac laga maarmi karey oo baaxad leh ku keenay. Haddii Madaxweynuhu wax sixi karana cadow kuma ahin. Hayeeshee waxaa la rabaa wax qabad dhab ah.

Si kastaba, waxaa muuqata in ay jirto guux siyaasadeed oo ka taagan dalka, taasoo laga cabsi qabo haddii aan wax laga qaban in ay u gudbi karto baarlamaanka, kuwaasoo hadda ku kala qaybsan baaqa loo soo jeediyay madaxweynaha.

Dad badan ayaa aaminsan haddii aan wax laga qaban arrintan cusub in ay abuuri karto khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex gala madaxda dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com