Madaxweyne XASAN SHEEKH oo soo saaray war cusub kaddib markii uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, ayaa looga hadlay kulankii uu galabta madaxweynaha la qaatay qaar ka mid ah xildhibaannadii dhawaan ku shiray Muqdisho ee soo saaray baaqa ay uga dalbanayeen in uu is-casilo.

War-saxaafeedka oo nuqul ka mid ah ay heshay Caasimada Online, ayaa lagu sheegay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, in uu galabta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah Xildhibaannadii Baarlamaanka ee bayaanka soo saaray.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka guddoomay Xildhibaanadda Bayaanka ay ku soo jeediyeen ra’yigooda. Madaxweynaha ayaa u sheegay Xildhibaannada in uu aad u qadarinayo ra’yiga qof kasta oo Soomaali ah ha ahaado siyaasi ama shacab.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa u sheegay Xildhibaannada in uu diyaar u yahay in uu la fariisto qof kasta oo ra’yi qaba kana dhageysto islamarkaana qaato ra’yi walba oo wax dhisaya. Madaxweynaha ayaa u sheegay Xildhibaannada qaar ee maanta u yimid in ay shalay iyaga oo idil soo doorteen maantana diyaar u yahay haddii la soo maro wadada saxda ah ee uu Dastuurkeenna tilmaamayo.

Ugu dambeyntii, war-saxaafeedka ayaa lagu yiri madaxweynaha ayaa ku baaqay in la ilaaliyo shuruucda dalka iyo dhaqanka Dowladnimada laguna ilaaliyo Dowladnimada dhaxdeedada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com