Somaliland oo odayaal reer Muqdisho ah bareysa sida nabad loogu noolaado

Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa ka warbixiyay odayaal iyo ganacsato kor u dhaafaya 50 oo gaaray magaalada Hargeysa kuwaasoo ka yimid magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo la hadlay saxaafadda ayaa xaqiijiyay in odayaal dhaqameed ka socda Muqdisho ay soo gaarayn magaalada Hargeysa, isagoona ujeedkooda ku tilmaamay in la baraayo qaabka ay Somaliland ugu guuleesatay in ay nabadeeyo deegannada ay ka arrimiso lana soo celiyo nidaamka maamulnimo.

Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in odayaal dhaqameedku la soo dhaweeyay oo ay durba kulamo la billaabayn salaadiinta iyo boqorada reer Somaliland.

Waa markii ugu horreysay oo maamulka Somaliland uu faah-faahin ka bixiyo odayaal dhaqameed ka tagay Muqdisho oo Arbacadii gaaray magaalada Hargeysa.

Marka laga soo tago hadalka wasiirka ee ah in odayaasha yimid Hargeysa la baraayo qaabka ay Somaliland nabadda iyo dowlad wadaaga ugu nooshahay, haddana waxaan ilaa war laga heynin dowladda Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo odayaal ka tagay Muqdisho ay gaaraan magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland tan iyo markii Somaliland ku dhawaaqay madaxbanaani iyo in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sannadkii 1991-dii.

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo oo toddobaadkan jeediyay khudbadii afaraad tan iyo markii uu xilka qabtay wuxuu yiri ma jirto wax na isku keen xiran Somalia iyo annaga oo uu ka waday Somaliland.

Siddee loo soo dhaweyay odayaasha?

Inta badan Somaliland waa ay xirxirtaa dadka ka yimaada Somaliland xittaa haddii yihiin kuwa u dhashay deegannada ay maamusho, laakin odayaashan si weyn ayaa loo soo dhaweeyay mana cadda wax yaabaha ku hoos qarsan howshan cusub.

Warar ay heshay Caasimada Onlne ayaa sheegaya in arrintan ay ka dambeeso beesha caalamka, gaar ahaan waddamada Ingiriiska iyo Turkiga oo saaxib dhow la leh Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com