Xildhibaan sheegay hal sabab oon loo weydiisan karin Xasan Sh is-casilaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Somaliya, ayaa waxa uu sheegay in wax Sharci daro ah uu yahay, in Madaxweynaha Somaliya lagu khasbo in uu is casilo.

Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar, ayaa sheegay haddii Xildhibaanada Baarlamaanka ay doonayaan in meesha ka saaraan Madaxweynaha, ay ahayd in ay sharciga dalka u dagsan usoo maraan.

Waxa uu sheegay in aynaan jirin Guddigii Adeega ee Garsoorka iyo Maxkamad Dastuuri ah, oo lagu kala bixi lahaa, sidaasi daraadeedna aan Madaxweynaha loo soo jeedin karin in uu is casilo.

Xildhibaanka waxa uu ku baaqay cidii dooneyso in ay daaqada ka saarto Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, looga baahan yahay in ay marka hore u hogaansato Sharciga.

Qoraal laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha, ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa u sheegay Xildhibaanada in uu diyaar u yahay in uu la fariisto qof kasta oo ra’yi qaba kana dhageysto islamarkaana qaato ra’yi walba oo wax dhisaya. Madaxweynaha ayaa markale u sheegay Xildhibaanada qaar ee u yimid in ay shalay iyaga oo idil soo doorteen maantana diyaar u yahay, haddii la soo maro wadada saxda ah ee uu Dastuurkeena tilmaamaayo.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com