Madaxweynaha iyo beesha caalamka oo maanta ku kulmaya Muqdisho (Xog)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Jimcaha maanta waxaa lagu wadaa in uu shir kaga qaybgalo Xarunta Xalane, oo ku taal Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha, ayaa qaabili doono Saraakiil ka socoto Wadamada Soomaaliya ka caawinaaya Barnaamijka New Deal, oo ah mid uu Caalamku Somaliya ku gaarsiinaayo sanadka 2016-ka.

Caalamka, ayaa horey u soo jeediyay in sanadka 2016-ka ay Doorasho dadweyne ka qabsoomto Soomaaliya, iyadoo markaasi laga shaqayn doono dhameystirka Dastuurka, dhaqangelinta Federalism-ka, samaynta Maxkamad Dastuuri ah iyo Dhismaha Guddiga Adeega ee Garsoorka.

Ilo muhiim ah, ayaa sheegay Wasiiro ka tirsan Xukuumada, in ay Madaxweynaha Soomaaliya ku wehlin doonaan kulanka ka dhici doono Xalane.

Wasiirada ku wehlineysa kulankaan, ayaa waxaa laga xusi karaa Wasiirka Arrimaha Gudaha & Federalism-ka C/laahi Goodax Barre, Wasiirka Cadaalada & Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed iyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dib u Dhiska Nadiifa Maxamed Cismaan.

Isha: Dhacdo