Moshin ciidanka Kenya looga saarayo Somalia oo la horgeynayo Baarlaman..

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya ayaa waxa uu sheegay inay wadaan Mooshin ay ugudbin doonaan Gudoonka Baarlamaanka dalkaasi kaasi oo ku aadan in ciidanka Kenya ka jooga Somaliya in laga saaro.

Mr Ronald Toni oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Mooshin uu ka gudbin doono sida uu udoonayo Askarta Kenya ee howlgalka AMISOM katirsan in laga saaro Somaliya.

Waxa uu Xildhibaanku sheegay inay joogitaanka ciidankooda gudaha Somaliya ay dalka Kenya ka abuurtay Nabad gelyo Xumo magaalooyinkeeda ka dhaca hadii ay sii joogaana ay xaalada Amni xumo ay kasii dari doonto.

Hadalka Xildhibaankaan ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweyne Kuxigeenka Kenya William Rutto ayaa sheegay inaysan ciidankooda Kusugan Somaliya aysan kala bixi doonin.

Halkaan ka dhageyso War uu kasoo diray Nairobi Maxamed Xaaji Xasan Abuukar oo ka tirsan idaacadda Kulmiye ee Muqdisho

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com