Sawiro: Xasan oo laga taageray B/weyn

Beledweyne (Caasimada Online)-Magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxaa maanta oo Jimco ah ka dhacay bannaanbax lagu taageeraayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud loogana soo horjeedo dalabka la weydiistay ee ah in uu is casilo.

Dibad-bax-lagu-tageraa-madaxweyne-xasan-shiikh-11

Boqolaal qof oo u badan dhallinyaro, odayaal, dumar iyo carruur ayaa ka qaybgalay bannaabaxa waxaana ay sitayn sawirka madaxweynaha iyagoona ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ka dhan ah madaxweynaha.

Dad weynaha bannaabaxayay ayaa diddanaa baaqa xildhibaannada baarlamaanka ay u soo jeediyeen madaxweynaha ee ah in uu is casilo waxaana ay la haayeen waa fursad la siiyaa madaxweynaha muddada u harsan.

Ilo xog ogaal ayaa u sheegay Caasimada Online, in bannaanbaxa uu soo qaban qaabiyay maamulka gobalka Hiiraan.

Bannanbax noocan oo kale ayaa shaley ka dhacay magaalada Jowhar oo looga soo horjeedo baaqa loo soo jeediyay madaxweynaha ee ah in uu is casilo.

Dibad-bax-lagu-tageraa-madaxweyne-xasan-shiikh-2Dibad-bax-lagu-tageraa-madaxweyne-xasan-shiikh-4

Dibad-bax-lagu-tageraa-madaxweyne-xasan-shiikh-5

Dibad-bax-lagu-tageraa-madaxweyne-xasan-shiikh-8

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com