Sawirro: Gaas oo ku laabtay Garoowe

Garoowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta oo Jimco ah dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, isagoona ka soo laabtay safari uu ku tagay dalalka Itoobiya iyo Yemen.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Garoowe, waxaana ka qaybgalay soo dhaweyntiisa masu’uuliyiin uu hor kacaayay madaxweyne ku xigeenka Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey , Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Cabdiweli Gaas ayaa markii uu tagay Garoowe wuxuu la hadlay saxaafadda, wuxuuna ka warbixiyay safarka uu ku tagay waddamada Itoobiya iyo Yemen.

IMG_2493

Madaxweynaha mar uu ka hadlaayay shirkii looga hadlaayay ammaanka ee ka dhacay Bahar Daar, wuxuu yoro “Shirkii TANA Form ee looga hadlaayay arrimaha amaanka dalalka Africa ee ka dhacay Magaalada BAHAR-DAR ee dalka Ethiopia, waxa uu ahaa shir muhiimad weyn ugu fadhiya Puntland, waxaana kasoo baxay waxyaalo muhiimu ah xasilinta amaanka dalak ku yalla gobolk iyo dhamaan Africa”

Mudane Gaas ayaa sidoo kale ka warbixiyay kulamdii uu lasoo qaatay madaxda sare ee Dawladda Yemen.

“Madaxda sare ee Dawladda Yemen si wanaagsan ayay noo soo dhoweeyeen, waxaanu ka wada hadalnay in xiriirka labada dhinac la adkeeyo, isla markaana lala dagaalamo arga-gixisada iyo burcad badeeda oo iyaga laftooda dhibato ku haya, si wanaagsan ayaanuna isula qaadanay arrintaas” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa saxaafadda waxa weydiisay sidda uu arko socdaalka wasiirka caafimaadka Somaliland Xagla-toosiye uu ku joogo magaalada Buuhoodle, wuxuu yiri wax la aqbalaayo ma ahan “Buuhoodle waxa ay ka tirsan tahay Puntland”
IMG_2427

IMG_2486

IMG_2487

IMG_2429

IMG_2438-1IMG_2696

IMG_2696-1

IMG_2700

Caasimada Online

Xafiiska Warark Garoowe

Caasimada@live.com