Maxaa looga hadlay kullankii Xasan Sh iyo beesha caalamka ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay xaflad ka dhacday xarunta AMISOM looga arrimiyo ee Xalane.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu halkaas kula kulmay saraakiil ka socda beesha caalamka gaar ahaan kuwa deeq biyaasha.

Madaxweynaha waxaa kaloo uu ka qaybgalay xaflad lagu xusaayay maalinta Yurub oo 9-ka bisha May sannad kasta adduunka oo dhan laga xuso.

Waa markii labaad oo maalintan laga xuso magaalada Muqdisho, mana cadda sababta looga xusay iyo cidda mas’uul ka ah in kastoo dowladda itaalkeeda uu ku xiran yahay reer galbeedka.

Madaxweynaha wuxuu kaloo kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay oo uu ka mid tahay Nicholas Key, wuxuuna kala hadlay siyaasadda cusub ee dalka ku soo korartay.

Madaxweynaha iyo saraakiisha QM ayaa si weyn uga doodday sababta keentay in xildhibaanno kor u dhaafaya 100 ay madaxweynaha ka soo gudbiyaan warqad ay kula talinayaan in uu is casilo maadama sidda ay yiraadeen uu ku guul darreestay wax yaabaha loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa shaley kulan la qaatay xildhibaanno gaaraya 41-mudane kuwaasoo uu ka guddoomay warqad ay ku dalbanayeen in uu is-casilo.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Nicholas Key ayaa shaley si rasmi ah u caddeeyay in beesha caalamka aaney madaxweynaha ku caddaadineynin in uu xilka ka dago.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com