Garoowe (Caasimada Online) – Beesha Warsangeli ayaa si adag uga hadashay dilka Caaqil Cumar Cabdillaahi Cabdi Ibraahim oo Sabtidii duqeyn diyaaradeed lagu dilay.
Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen odayaasha dhaqanka, aqoonyahan iyo culimada beesha Warsangeli ayaa waxaa xukuumadda Puntland looga dalbaday inay jawaab deg-deg ah ka siiso weerarkii lagu dilay caaqilka, oo ehelkiisu sheegeen in uusan wax xiriir ah la laheyn kooxaha argagixisada.
“Sida aan wada ogsoonnahay waxaa 13/Sep, 2025 weerar diyaaradeed oo gantaalo loo adeegsadey lagu diley Caaqil Cumar C/laahi Cabdi Ibraahim isagoo ku jira safar oo keligiis wata gaadhigiisii, kana soo baxay Magaalada Ceelbuh, kuna socdey magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, markii uu marayey meel u dhow Tuulada Jiicanyo ayaa lala beegsaday saddex gantaal,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay beesha Warsangeli.
Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri “Madaxda dhaqanka, aqoonyahanka iyo culimada diinta ee gobollada Sanaag, Haylaan iyo galbeedka gobolka Bari iyaga oo ku hadlaya afka bulshada gobolladaas kana duulaya xilka iyo waajibaadka masuuliyiinta dawladda Puntland ka saaran amniga guud ee dalka, ilaalinta bedqabka bulshada iyo ilaalinta xuquuqda dastuuriga ah waxay madaxweynaha iyo dhammaan golayaasha maamulka ka dalbayaan inay jawaab deg-deg ah kasoo bixiyaan.”
Beesha ayaa dalbatay in loo caddeeyo sababta loo beegsaday caaqilka, oo ay sheegeen inuu ahaa oday samatalis ah. “Ciddii geysatey ee fulisey weerarka diyaaradda iyo gantaalaha loo adeegsaday laguna diley Caaqil Cumar iyo cid kasta oo gacan kasiisay dilkaas.”
“Sababta loo beegsaday ee lagu bannaystay dilkiisa annagoo og inuu ahaa oday samatalis ah dalka oo dhanna laga yaqaaney inuu ahaa caaqil ku suntan ka shaqaynta amniga, nabadgelyada iyo maslaxadda dalka iyo dadka” ayuu u dhignaa bayaankaasi,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka beesha.
Beesha ayaa sheegtay in ay jawaab dhameystiran ka sugayso xukuumadda Saciid Deni, isla markaana talo guud ka yeelan doonaan dilkii AUN Caaqilka Cumar, haddii uu maamulka xog lagu qanci karo ka bixin weerarkan.
Dilka Caaqilka ayaa waxaa ka dhashay banaanbaxyo xooggan oo ka dhacay gobolka Sanaag, kuwaas oo looga soo horjeedo duqeyntii lala beegsaday.
Inkastoo maamulka Puntland uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo duqeyntan, waxaa maanta sheegtay inuu duqeyn ka fuliyay gobolka Sanaag taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika, oo sheegay in weerarku u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana ay kala kaashatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Taliska AFRICOM ayaa xaqiijiyay in duqeyntaas lagu bartilmaameedsaday nin hubka ka iibiya kooxda Al-Shabaab, balse ma shaacin magaciisa iyo waxa uu qabanayay xilliga la dilay.
Sheegashada Mareykanka ayaa kusoo aadeyso, iyada oo isla maalintaas la dilay Caaqil Cumar Cabdullahi Cabdi oo kamid ahaa waxgaradka gobolka Sanaag, kaas oo gaarigiisa lagu dhuftay gantaallo, xilli uu kasoo baxay deegaanka Ceelbuh, kuna sii jeeday degmada Badhan ee gobolka Sanaag.
Cali Cabdullahi oo la dhashay marxuumka ayaa horay uga hadlay, sida ay wax u dhaceen waxaana uu sheegay in
Gaariga caaqilka ayaa lagu dhuftay 3 gantaal, mana jirin cid kale oo la socotay, sida uu xaqiijiyay Cali Cabdullaahi oo la dhashay marxuumka, oo ka waramay sida ay wax u dhaceen.

