24.3 C
Mogadishu
Tuesday, January 20, 2026

Somaliland oo shirkad Imaaraati ah la saxiixatay heshiis $70m oo lagu dhisayo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Dubai (Caasimada Online) – Somaliland ayaa heshiis cusub magaalada Dubai kula saxiixatay shirkadda maalgashiga ah ee International Maharat Investment.

Heshiiskan oo lagu qiimeeyay $70 milyan ayaa lagu kala saxeexday xarunta dhaqaalaha caalamiga ah ee Dubai (DIFC), sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda duulista hawada Somaliland.

Heshiiskan oo ah maalgelin lagu casriyeynayo garoonka diyaaradaha ee Cigaal ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa qalinka ku duugay Wasiirka Duulista Hawada iyo horumarinta madaarrada Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux.

Mashruucan ayaa loo arkaa maalgelintii ugu weynayd ee lagu sameeyo kaabayaasha madaarrada Somaliland, wuxuuna noqonayaa mashruuca labaad ee ugu ballaaran ee maalgelin shisheeye ah oo dalka ka hirgala, kaddib maalgelintii DP World.

Wasaaradda ayaa sheegtay in shaqada dhismaha madaarka la bilaabi doono muddo lix bilood gudahood ah laga bilaabo saxeexa heshiiska.

“Maanta waxa aanu saxeexnay heshiis maalgelin ah oo gaadhaya $70 milyan, kaas oo lagu casriyeynayo Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa, waana guul weyn,” ayuu yiri Wasiir Fuaad Axmed Nuux.

Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu xusay in maalgelintani ay ka dhigan tahay ballanqaad ku wajahan horumar dhaqaale, isku xidhnaan wanaagsan iyo mustaqbal barwaaqo ah.

Wasaaradda ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan habraaca dhaqan-gelinta heshiiska iyo waxa shirkaddu heli doonto, balse warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in shirkaddu yeelan doonto saameyn maamul oo muddo 20 sano ah kadib marka dhismuhu dhammaado.

Imaaraadka ayaa horey maamulka Somaliland uga hirgeliyay mashaariic ballaaran, oo ay ka mid tahay casriyeynta dekedda Berbera oo ku baxday ku dhawaad nus bilyan doollar, dhismaha madaarka cusub ee Berbera iyo waddada isku xirta Berbera iyo gudaha dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News