Beyle: Maalin kasta waxaan sameyno waa musuq-maasuq

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa markii u horeysay sheegay in musuq-maasuqa uu si maalinle ah uga dhaco hay’addaha dowladda, islamarkaana uu ka ballaaran yahay macnaha loo adeegsado erey bixintaas.

Beyle oo ka qeyb-galay barnaamijka Dood Wadaag ee ka baxa telefishanka Universal ayaa sheegay in musuq-maasuqa uu ku dhex baahay bulshada dhexdeeda, taasi oo u baahan in wax laga qabto, sida uu sheegay.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in musuq-maasuqa uusan ku koobneyn lacag la’lunsado, balse uu yahay wax isdaba marin kasta oo ka dhacda hay’addaha dowladda iyo macaamilada bulshada dhexdeeda.

Sidoo kale waxa uu is-dul taagay in musuqa uu qeyb ka yahay mas’uuliyiinta mushaaradka ka qaata dowladda, islamarkaana aan xaadirin shaqada ay ku magacaaban yihiin ee ay bilkasta mushaarka ku qaatan.

“Qof baa dhintay walaalkii ha lagu bedelo waa musuq-maasuq. Haddaa u fiirsato maalinkasta waxaa sameynayno Soomaali ahaan waa musuq-maasuq, waxaa ka hadalno oo dhan ayaa musuq-maasuq ah. Markaa musuq-maasuq ma aha lacag la xado ee waa waxaas oo dhan oo ay tahay in aan bedelno,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Ugu dambeyntiina waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in la bedelo nidaamka dowliga ah iyo hab dhaqanka bulshada caadiga ka noqday, kaasi oo uu ku sheegay inay qeyb ka yihiin musuq-maasuqa.