Xuska 26-ka June ee caawa oo lasoo koobay + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho caawa waxaa ka socda u diyaar garowgii u dambeeyey ee dabaal-degga maalinta koowaad ee todobaadka xorriyadda Soomaaliya, waxaana saqda dhexe ee caawa saacadu markey tahay 12:00am la saari doonaa calanka dalka.

Sida aan xogta ku heleyno, xuska caawa ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo koobay kaliya hal goob, waxaana loo diyaariyey in lagu munaasabadda 26-ka Juun, waana xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, taas oo dad kooban lagu casuumay.

Warbaahinta madaxa-banaan ayaa galabta lagu war-geliyey in aysan ka qeyb-geli karin munaasabadda caawa ka dhaceysa madaxtooyada.

Cabdulqaadir Maxamed oo wasaaradda warfaafinta u qaabilsan xiriirka warbaahinta mada-banaan ayaa weriyaasha u diray fariin uu uga cudur daaranayo in lagu casuumo kulankaas, isagoo u sheegay in loo soo diri doono Linki, si ay toos ugu baahiyaan munaasabadda.

Fariinta uu Cabdulqaadir uu Weriyaasha u diray waxa uu ku yiri, “Asc Asxabta sharafta leh, Waxaan diyaariyay liis si aan uga qeyb galno xuska 26-ka Juun. Lkn waxaa looga baaqdey goobtii loo asteeyay xafladda Roob dartiis. Hool yar ayayna xaflada ka dhacee  30 TV ma qaado. Sidaas darteed  linkiga  live ka ayaan idinla wadaagi donaa 1001jeer Raali ahaada 1da luuliyo ayaa inoo balana in shaa Alaah.”

Dadkii ugu badnaa ayaa caawa ku sugan fagaaraha taallada Daljirka Daahsoon, kuwaas oo halkaas u soo aaday inay sawirro isaga qaadaan, sidoo kale dadka qaar waxay ku weydiinayaan halka lagu qabanayo munaasabadda weyn ee calanka saarka, si ay uga qeyb galaan.

Dhanka kale magaalooyinka gobollada dalka qaar ayaan caawa lagu dhigeyn wax munaasabad ah, waxaana magaalooyinka aan xaqiijinay ka mid ah Dhuusamareeb iyo Garowe oo kala ah caasimadaha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland.

Lama yaqaano sababta ka dambeysa in caawa caasimadaha dowlad goboleedyada qaar aan laga xusin 26-ka Juun, waxaana caawa oo kale calanka la saaraa saqda dhexe 12:00 am, xilligaas oo ku beegan markii ugu horeysay oo ciidda Soomaaliya laga toogay calanka buluuga ah 26-kii Juun sanadkii 1960-kii.

Sidoo kale gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa aad looga xusayaa caawa munaasabadda 26-ka Juun, magaalooyin ay ugu horeyso caasimadda Hargeysa ayey ka socdaan munaasabado waaweyn, waxaana ka qeyb-gelaya mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Somaliland, iyadoo ay khudbado ka jeedinayaan madax uu ku jiro Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland.