BEYLE oo sharxay lacagtii dowladda Sacuudiga laga keenay iyo halka ay jirto

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyay lacagtii dowladda Sacuudiga ugu deeqday Soomaaliya.

Wasiir Beyle wuxuu sheegay in lacagtaasi ay aheyd mid dowladda Sacuudiga ugu deeqday Sacuudiga, isaga oo amaanay in lacagtaasi lagu aamino dalka oo toos loogu soo shubay Bangiga dhexe ee dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in lacagtaasi bil walbaa ay kasoo bixin jireen inta ay u baahdaan inay ku kabaan mushaaraadka shaqaalaha dowladda, oo aysan jirin cid si gaar ah lacagta kaga baxsaneysay Bangiga dhexe ee dalka.

Kalsooniyadda maaliyadeed ee ay sameeyeen xukuumadda Soomaaliya ayuu sheegay inay keentay in midowga Yurub dhankooda ay ku deeqeen 100 milyan oo lagu kabayo miisaaniyadda dowladda.

Lacagta hartay ayuu sheegay inay gaareyso 15 milyan oo doolar ayna adeegsan doonaan marka ay u baahdaan sida uu hadalka u dhigay wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

“Markii ugu horeysay Sacuudi Carabiga oo aan warbixin la siin jirin, ayaan warbixin ka siinay sidaan lacagta u adeegsanay, waxaan u dirnay labaatanka kun sidaan u adeegsanay, 15 Kun ee harayna waan u sheegnay”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Wasiirka maaliyadda ayaa dhinaca kale sheegay inaysan jirin dhaqaalo qaab aan la ogeyn looga bixiyo qasnadda dowladda Soomaaliya, waxaa kale oo uu beeniyay in xasaradaha siyaasadeed lagu bixiyo dhaqaalaha dowladda si loo xaliyo.

Wasiirka maaliyadda ayaa sidoo kale sheegay in bil walbaa uu bixiyo warbixin la xiriirta dhaqaalaha wasaaradda maaliyadda soo galay iyo sida loo adeegsaday, halkaasna laga ogaan karo dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee wasaaradda.

Dhageyso wareysi uu Beyle siiyey VOA

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com