Dhageyso: Jubbaland oo ka jawaabtay hadalkii ka soo baxay AQALKA SARE

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray hadalkii maanta kasoo baxay xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka ee ahaa in la dhameeyay khilaafkii u dhaxeeyay dowladda iyo dowlad goboleedyada dalka.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaanni, ayaa isaga oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Kismaayo wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan hadalka kasoo baxay Aqalka sare, balse taa macnaheeda uusan aheyn in Khilaafka la dhameeyay.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in la xaliyay qeybaha ugu horeeya ee tabashooyinka dowlad goboleedyada, balse ay wali harsan yihiin waxyaabo badan iyadoo dowladda laga doonayo dhaqan gelinta qoraalka kasoo baxay aqalka sare.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay jiraan qodobo kale oo aqalka sare aysan kusoo darin siddeeda qodob ee loo baahan yahay in xal laga gaaro, waxaana uu sheegay inay yihiin kuwa maqan qoraalka.

Ugu dambeyn Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegay in Jubbaland ay sugeyso jawaabta dowladda Soomaaliya iyo fulinta qodobada kasoo baxay golaha Baarlamaanka ee Aqalka sare.

Galmudug iyo Puntland ayaa ah maamulada kaliya ee harsan ee la doonayo inay ka jawaabaan hadalka kasoo baxay golaha aqalka sare oo wakiil ka ah dowlad goboleedyada dalka.
Halkan ka dhageyso codka Xirsi Jaamac
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com