Xildhibaanada oo 2 garab u kala jabay, mooshin diyaar ah & gacan ka hadal..

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsanaa Baarlamaanka DF Somalia oo ku kulmay Magaalada Muqdisho xilli khilaaf xooggan uu weli u dhaxeeyo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Xildhibaanada kulmay ayaa taageersan Ra’isulwasaaraha dalka waxa ayna sheegen inay suuragal noqon karto inay gacmaha isla galaan Xildhibaanada waa haddii ay dhacdo in Mooshinka la horkeeno Golaha shacabka.

Xildhibaanada oo arrintaasi isku raacay ayaa waxa ay sheegen in Ujeedkoodu yahay inay xaliyaan Khilaafka iyadoo aan lala safan Labada Mas’uul ee dalka Ugu sareysa.

Xildhibaan Sanyare oo u hadlay Xildhibaanada kulmay ayaa waxa uu yiri ”“Waxaan halkan ka sheegayaa in haddii mooshin la keeno baarlamaanka ay xildhibaannadu gacmaha iskula tegi doonaan, waayo hadda baarlamaanku wuxuu u muuqdaa mid ka duwan kuwii KMG ahaa oo mar walba haddii la keeno mooshin gacmaha iskula tegi jiray, balse mooshin hadda la keeno dib ayuu ugu celin doonaa baarlamaanka sida kuwii hore,”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “Haddii la keeno mooshin anaguna waxan mooshin ka keeni doonaa gudoonka baarlamanka waxaana bilaaban doona xisaabtan”

Xildhibaan Sanyare waxa uu ka digay in Khilaafka Madaxweyne Xassan sheekh iyo Ra’isulwasaare C/weli uu iska horkeeno Golaha shacabka waxa uuna si cad u sheegay inay tallaabo adag qaadi doonaan waa haddii Baarlamaanka la horkeeno Mooshin.

Dhanka kale, Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya inuu socdo mooshin laga diyaarinayo Ra’iisul Wasaaraha, kaasoo diyaarintiisa u dambeeyay ay socoto, waxaana Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo taageersan Ra’iisul Wasaaraha ay dhinacooda wadaan dadaal ay uga soo horjeedaan arrintaas.

Xubno ku dhow dhow Madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay inay shirar la leeyihiin Madaxweynaha, si ay uga helaan taageero, marka ay timaado in mooshin laga geeyo, waxaana aaqirka ay dadka saadaalinayaan in khilaafkan uu saameyn ku yeesho Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com