“QM waxan weydiisaneynaa in Kay ay kusoo bedelaan wakiil kale” Waxaa yiri

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada Dowlada Federaalka ah ee Somalia, ayaa sheegay in Ergayga gaarka ah ee Qarmamada Midoobay u qaabilsan Arimha Somalia Nicholas Kay ay maalmaha soo socda ka gudbin doonaan qaraar ka inuu dalka kasii shaqeeyo.

Xildhibaan Jeesow ayaa waxa uu Tilmaamay in Kay ay u arkaan inuu Caqabad ku yahay hanaanka Siyaasadeed ee dalka waxa uu sheegay inaysan raali ka noqon doonin aflagaado uu sheegay inuu u geystay Baarlamaanka Somalia oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa caadaqaatayaal ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa Tilmaamay in marnaba aysan aqbali doonin in Kay uu kusii fogaado Arrimaha Somalia.
Wuxuu sheegay in haddii uu ergayga qaramada Midoobe ee Somalia Nicholas Kay uusan raali galin ka bixin hadalkii ka soo yeeray ay ka gudbin doonaan qaraar ku saabsan in dalka uusan ka sii howlgalo, waa sida uu hadalka u dhigay Xildhibaan Jeesow

Dhinaca kale, waxa uu sheegay in Qaramada Madoobe ay weydiisanayaan Wakiil ka duwan Kay oo uga howlgala dalka Somalia, kadib markii uu sheegay in Kay uu ku tuntay sharafta Golaha Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com