Saraakiil ka tirsanaa AMISOM oo laga eryay shaqada SOMALIA kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal ka soo baxay Taliska Guud ee Milliteriga Uganda (UPDF) ayaa lagu sheegay in shaqada laga joojiyey 15 Sarkaal oo ka tirsan Ciiddankii Uganda ee qeybta ka ahaa Hawlgalka AMISOM, kadib, markii lagu helay dembiyo kala duwan.

Saraakiisha shaqada laga joojiyey waxaa ku jira Labo Sarkaal oo darajadoodu tahay Sarreeye Guuto iyo Hal Sarkaal oo Kolonel ama G/sare ah.

Taliyaha Guud ee Ciiddanka UPDF, General Katumba Wamala ayaa Idaacadda Dowladda Uganda ka shaaciyey in shaqada laga fariisiyey Saraakiishaasi, isla markaana lagu daray Liiska Madow, iyagoo aan haba yaraatee ka mid noqon doonin Hawlgalladda ay Ciiddanka Uganda ka fulin doonaan dalalka kale.

General Katumba Wamala waxa uu tilmaamay inay Saraakiisha oo rag wada ah lagu wado inay iska difaacaan Eedeymaha lagu soo oogay, wuxuuna xusay inaysan weli dhinacooda ka hadlin Eedeymahaasi.

Wargeyska Toddobaadlaha ee The Observer oo Warbixin dheer qoray arrintaasi ayaa sheegay in baaritaan ay Ciiddanka dhexdooda sameeyeen lagu ogaaday inay jiraan Saraakiil laaluush ka qaatay Askarta loo soo dirayo Hawlgalka AMISOM, si ay labo xilli uga sii shaqeeyaan gudaha dalka Somalia.

Saraakiil shaqada laga joojiyey ayaa la sheegay inay qaarkooda kufsi kula kaceen Haweenka Saraakiisha Hoose ka ah Ciiddanka Uganda, si loogu daro Ciiddanka qeybta ka noqonayo Hawlgalka AMISOM oo ay Askarta Uganda ka helaan mushaar ka badan kan ay ku qaataan gudaha dalkooda hooyo.

Saraakiisha Sarsare ee shaqada laga joojiyey waxaa ka mid ah Sarreeye Guuto Francis Chemonges oo ah Taliyaha Dugsiga Tababarka ee Gawaaridda Gaasham, Sarreye Guuto Jack Bakasumba oo Taliye ka ah Dugsiga Tababarka ee Singo Training School iyo G/Sare Kutessa oo isaga haatan ka mid ah Saraakiisha UPDF ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Sannadkii la soo dhaafay, Taliyihii hore ee Guutadda Ciiddanka UPDF ee Hawlgalka AMISOM, Sarreeye Guuto Michael Ondoga ayaa la xiray, kadib, markii lagu soo oogay musuq iyo inuu wax is-daba mariyey.

Sarreeye Guuto Michael Ondoga iyo dhowr ka tirsan Saraakiisha Sarsare ee Ciiddanka UPDF ayaa waxay dacwad kaga socotaa Maxkamadda Guud ee Milliteriga ee magaalladda Kampala.

Xarigga Saraakiishaasi ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay Hay’adda Human Rights Watch ee u dooda Xuquuqda Aadanaha bishii hore soo saartay Warbixin ku eedeynayso Ciiddanka Uganda inay faraxumeeyeen haween Somali ah oo ku sugan magaalladda Muqdisho.

Midowga Afrika “AU” ayaa sheegay inay weli baaritaanno ku hayaan Eedeymahaasi lagu sheegay inay ciiddamo ka tirsan AMISOM ku tacadiyeen haween Somali oo daawo iyo biyo u doontay Xerooyinka AMISOM ku leeyihiin magaalladda Muqdisho.

Xigasho:- The Observer

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com