Masuuliyadda war-saxaafadeedkii KAY ee lagu aflagaadeeyey xildhibaannada oo la isku heysto (Yaa qoray qoraalka)

Muqdisho (Caasimada Online) – War saxaafadeedkii kasoo baxay xafiiska UNSOM Somalia oo wakiilka ka yahay Mr Nicholas Kay ayaa la sheegayaa inay guux ka dhex abuurtay shaqaalaha UN-ka Somalia kadib markii ay soo baxday in Kaaliyaha Wakiilka UNSOM Somalia Mr Nuradin Diriye uu qoraalka ku darsaday ereyo ka baxsan diblomaasiyadda oo aflagaado iyo Magacdilka loogu geystay Baarlamaanka Federaalka iyo qaranimada iyo madax banaanida dalka Somalia.

Nicholas Kay oo ah wakiilka UN ka ee Somalia ayaa la sheegayaa inuu hadda fasax ku maqan yahay shaqadana uu uga tagay haweeney kamid ah ku xigeenada Nicholas Kay oo lagu magacaabo Fatiha Serour, masuuliyada qoraalka ayaa la sheegayaa inuu galay isku tuur tuur, warbixino hoose oo laga helayo Xafiiska UNSOM Somalia ayaa sheegayaa in qorshuhu ahaa in qoraalka kasoo baxaya xafiiska UNSOM uu ahaado mid la mid ah qoraalka kasoo baxay xafiiska EU-da Somalia, qoraalkaa oo aheyd inuu ahaato mid ku talinaya in khilaafyada masuuliyiinta dawladda la xaliyo, madaxda Somalidana ku shaqeyso qaab mideysan.

Nuradin Diriye oo kaaliye u ah wakiilka UN-ka Somalia ayaa la sheegayaa inuu yahay shaqsiga ku darsaday hadalada aqlaaqda iyo diblomaasiyada ka baxsan ee dhaawaca loogu geystay qaranimada Somalia oo kasoo baxay xafiiska UNSOM Somalia, Nuradin Diriye, Ms Fatiha iyo Nocholas Kay ayaa laga baqayaa inuu qaarkood shaqada ku wayaan ama ku muteystaan Persona Non Grada PNG (Qof aan dalka laga dooneyn) hadii aysan raali gelin buuxda ka bixin xafiiska UNSOM Somalia.

Nuradin Diriye ayaa la sheegayaa inuu yahay shaqsi marin habaabin badan ku sameeyay Xafiiska UNSOM oo uu hogaamiyo Mr Nicholas Kay, Xafiiskaa oo hadda kasii mid noqonaya kooxaha siyaasadda Somalia iyo qabaailka Somalia oo siyaasadda isku haya, Xafiiska UNSOM oo uu madaxda ka yahay Nicolas Kay ayaa hadda sii noqonaya mid ay sii yaraaneyso Kalsoonida Shacabka Somalia ku qabaan, xafiiska uu majaraha u hayo Nuradiin Diriye qaladaadka ka dhacay iyo marin habaabinta lagu sameeyay oo ka baxsan dhexdhexaadnimada waxaa kamid ah.

1-Taageeridii uu Nocholas Kay taageeray booqashadii qabiilo gaar ah lagu dhisayey qabiilo kalana xaqooda lagu luminayey oo uu sameeyay RW Abdiweli Booqashadii ugu horeysay oo uu Kismaayo ku tagay.

2-Ka been abuurashada Madaxda iyo odoyaasha dhaqanka Maamulka Koofur Galbeed oo heshiis beenaad shaqsiyaad lala galay uu xafiiska UNSOM Somalia taageeray.

3-Xil ka qaadidii iyo Magacaabidii Taliyayaasha Ciidamada, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Amniga Qaranka oo uu Sameeyay RW Abdiweli isaga oon la tashanin Madaxweynaha Somalia.

4-Xil ka qaadidii Taliyihii Nabadsugida Mr Abdullahi Sanbaloolshe oo Xafiiska UNSOM Somalia uu taageeray iyada oo aan la ogeysiin Madaxweynaha

5-Shirkii Sharcidarada ahaa oo lagu jabinayey Dastuurka Somalia oo RW Abdiweli uu la galay Maamulka Puntland oo uu madaxda ka Yahay Abdiweli Gaas. Heshiiskaas oo meel ka dhac ku ah qaranimada Somalia, gobolada soomaaliya loogu kala qeybiyey qaab qabiil, halka Beelaha qaar sida Digil iyo Mirifle, Hawiye, Dir, Sade iyo Beesha 5-aad deegaanada jubooyinka iyo Gedo ku leeyihiin tashi la aan iyo qanacsanaan la’aan gacanta loo geliyey beelo gaar ah.

6-Banaanbaxyada iyo dareenka Shacabka koofur galbeed ee 6da gobol oo xafiiska UNSOM Somalia dhegaha ka fureystay, iyada oo sida la og yahay banaanbaxayaasha reer Baydhabo loo isticmaalay awood, laguna dilay shacab banaanbax ku muujinayey dareenkooda.

7-Xafiiska Nicholas Kay oo uu isticmaalo Nuradiin Diriye oo Somalia ku wada meel mugdi ah, Taageerid iyo dhisid dawlado qabiilo gaar ah gacanta loogu gelinayo hantidii iyo dhulkii shacabka soomaaliyeed wada lahaayeen iyada oo aan la sameyn Ciidamo qaran oo amniga dalka gacanta ku qabta iyo iyada oo aan la dhameystirin Dastuurkii Federaalka oo ay ku wada shaqeyn lahaayeen Dawladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada. Dhisida Dawlad goboleedyada iyo Dastuurka Federaalka oo lagu wada shaqeynayo keebee ayay tahay in la hormariyo?

8-Xafiiska UNSOM Somaliya oo Nicholas Kay oo noqday mid taageera in Muqdisho kaliya Somaliya Federaal ku noqoto, lana lumiyo xuquuqda shacabka 2-da Milyan ah eek u nool caasimada Soomaaliya.

Wakiilka UNSOM Mr Nicholas Kay oo bilawgiisii ka helay Somalia taageero shacab ayaa hadda noqday mid si xun u isticmaalaan shaqsiyaad uu kamid yahay Nuradin Diriye, Wakiilka UN-ka ayaa hadda sii luminaya taageerada shacabka iyada oo shacabku dhowrayo go’aanada Dawladda Somaliya ka qaadato magacdilka lagu sameeyay qaranimada Somaliya.

Shuruucda UN ka ayaa ah in la ilaaliyo madax banaanida wadamada ku midoobay jimciyadda quruumaha sidoo kale in baarlamaanada caalamku cod ku kala baxaan oo aan hub iyo dagaal la isticmaalin ayaa ah mida qaramada midoobay iyo midawga afrika-ba taageeraan oo dhiirigeliyaan.

Wadamada Midawga Afrika ayaa gebi ahaan kasoo horjeeda in faragelin lagu sameeyo madax bananida wadamada Afrika iyadoo dhowaan aad uga soo horjeestay maxkamada ICC oo u ekaaday mid lagu ugaarsado kaliya madaxda Afrikaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com