Kaalintii Cabdi Weli ee geeridii taliyaha

Geeridu waa xaq, cid kastana wey dhadhamineysaa sida uu Allah qur’aank noogu sheegay:

كُلُّ نَفْسٍ ذَآئِقَةُ الْمَوْتِ وَإِنَّمَا تُوَفَّوْنَ أُجُورَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فَمَن زُحْزِحَ عَنِ النَّارِ وَأُدْخِلَ الْجَنَّةَ فَقَدْ فَازَ وَما الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلاَّ مَتَاعُ الْغُرُورِ

Nafkasta waxay Dhadhamin Geeri, waxaa uun laydiin Oofin Ajrigiinna Maalinta Qiyaame, Ruuxiise laga iilo Naarta oo la geliyo Jannada wuu Liibaanay, Nolosha Adduuna ma aha waxaan Raaxo kado ahayn.

Iyadoo ay sidaa tahay ayay geeri walba waxay leedahay sabab, ha noqoto mid lagu sababo cudur muddo soo jiitamayey, shil ruuxa ku yimid, jug gaadhay iyo tan loo yaqaan Mawtul Faj’a ama geeri lama filaan ah oo marka sabab loo waayo loo aaneeyo inay tahay  sabab u tahay waxa loo yaqaan Heart Attack, dhiig maskaxda ku furmay, kilyihii ama beerkii oo shaqada gabay, sumow iwm.

Haddaba, Allaha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Xasan oo ay ku timid geeridii naxdinta lahayd iyadoo aan la eegin asbaabaha kale oo ay ugu horreyso in naf kastaahi ay leedahay waqti cayiman oo aysan dib uga dhici Karin ama ka hor mari Karin sida qur’aanku noo sheegay:

7_34

“Ummadkasta waxaa u sugnaaday Ajal (Muddo) markay Timaaddo Ajashuna kama dibmaraan Saacad kamana hor maraan”.

Arrinkaas oo qof kasta oo Muslim ah laga doonayo rumeysnaado  kuna qanco inaan dhammaanteed leenahay waqti cayiman oo aan la dhaafi Karin isla markaana geeridu noogu imaan karto xilli kasta, goob kasta iyo xaalad kastaahi.

Intaasi waxaan  uga golleeyahay inaan idiin dareensiiyo in maanta khilaafka dhex maray Mas’uuliyiinta dalka lagu aaminay inuu horseeday in xaaladdu gaadho in la isku maleego mu’aamarad gaarsiisan in Mayd looga faa’iideysto siyaasad ahaan, arrinkaas oo ka fog diinteenna suubban iyo dhaqankeenna wanaagsan ee soo jireenka ah, waxayna arrinkan noqon doontaa taariikh madow oo baal madow ka gashay gayigeenna.

Haddaba, waxaan rabaa inaan aqristayaasha la wadaago arrin laga yaabo inaysan horay u maqal, arrinkaas oo ah inaan hayo xog ku saabsan kaalinta uu Ra’sul Wasaare Cabdiweli ku leeyahay Geeridii Gen M Xasan.

Arrinkaasi maaha mid uu si ulakac ah u sameeyey ama uu uga dan lahaa inuu Taliyaha ku waxyeelleeyo, laakiin waxaan uun oran karnaa waxay ka mid tahay asbaabaha ay geeridu ku soo dukaasho.

Intaanan idiin soo bandhigin arrinkaasi, waxaan wada ognahay in inta badan madaxda hoggaamisa dunida 3aad gaar ahaan dalalka Islaamka oo ay Soomaaliya ka mid tahay aysan talo badan gacanta ugu jirin kuna tilmaami karno in meelo kale laga maamulo, arrinkaasina ay kuraastooda ku ilaashadaan, waxaana taas kuu caddeyneysa hadalladii ka soo yeeray N Kay oo aad mooddo in uu dalku Madaxweyne ka yahay, taasna annaga ayaa is bidnay.

Hab dhaqanka wakiillada beesha caalamka , dalalka deriska ah iyo ciidamada AMISON marka la eego waxaad isleedhay dalku xor maaha.

Tallaabooyinka loo sababeeyo Geerida taliyaha waxaa ka mid ah in waxa loogu yeero Wakiillada Beesha caalmka ay ku cadaadiyeen Ra’iisul Wasaare Cabdiweli inuu xilka ka xayuubiyo talyihii Ciidanka Booliska kadibna loo gacann geliyo dalka Canada si loo maxkamadeeyo iyagoo arrinkaasi u nisbeynayey in loo haysto dembiyo dagaal.

Cabdiweli oo arrinkaasi muddo gaashaanka u daruurayey ayaa waxaa looga faa’ideystay khilaafka kala dhexeeya Madaxweyne Xasan iyadoo loo ballanqaaday in waxa loogu yeero beesha caalamka ay ku gacansiindoonaan inuu xilkiisa ku sii waaro inta laga gaarayo 2016.

Ninba waa dantiisee, Raisul Wasaare Cabdiwali wuxuu halkaasi ka dhex arkay fursad qaali ah, wuxuuna u yeeray taliyaha oo uu ka codsaday inuu si degdeg ah isu Casilo isagoo ku cudurdaaranayo arrimo caafimaad.

Taasi waxay horseedday in Taliyuhu ka caroodo, caradaasna dhiig kar uu horay u qabay ku kiciso, halkii haraatiga Malkul Mawtka kula dhici lahaydna geysay sababtayna inuu u geeriyoodo Allah ha u naxariistee.

Sidaasi darteed, markii aan maqlay in la fidiyey borobogaando been ah ee la xiriirtay geerida taliyaha, dad aan wax dembi ah ku lahayna qoorta loo geliyey ayaan sirtan oo aan xogogaal dhab ah u ahay celin waayey, gartayna inay aqristayaasha ila wadaagaan.

Haddaba,Cabdiweli wuu fuliyey  ballantii uu la galay beesha caalamka, su’aashu waa “maxay ugu abaal gudi doonaan”?

Inqaasta: DULMIDIID CALI