Xog: Cabdiweli oo warqad uu ku qoray arrin yaab leh ka gudbiyey Xasan Sh.

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa Beesha caalamka u gudbiyay Warqado ay ku qornaayen eedeymo ku saabsan in Madaxweyne Xasan iyo Faarax C/qaadir ay doonayaan inay xilal safiirnimo ka iibiyaan shaqsiyaad lacag badan haysta oo xilal doon ah.

Eedeymahan, ayaa waxa uu Cabdi Weli si gaar ah ugu gudbiyey wakiilka QM ee Somalia Nicholas Kay, sida ay xubno ku dhow madaxweynaha sheegeen, kadib markii laga war-helay.

Nicholas Kay, ayaa la sheegay in eedeymahan uu kusoo qaaday madaxweyne Xasan Sheekh, balse madaxweynaha uu ku qoslay, kuna eedeeyey inuu la safan yahay Cabdi Weli, islamarkaana uu dacaayado raqiis ah wado, sida ay wararka sheegayaan.

“Ra’iisul wasaaraha waxa uu marayaa xaalad halis ah oo xun, waxayna ka taagaan tahay inuu wax walba oo aan macquul ahayn ku eedeeyo madaxweynaha” ayuu yiri qof ka tirsan xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh.

Nicholas Kay, ayaa qoraal uu dorraad soo saaray ku sheegay inaan mooshin laga keeni karin C/Weli, islamarkaana xildhibaanada ku eedeeyay inay qaateen laaluush si xilka looga tuuro Ra’iisul wasaaraha dalka.

Dhanka kale, waxa ay arrintaani muujineysaa in meesha ay ka baxday kalsoonidii dhex tiilay Xasan iyo C/Weli oo uu khilaafku gaaray wax walba la isku eedeeyo.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono waxaana xili waliba suuragal ah in Xassan iyo C/weli ay ku kacaan Siyaasado taa ka daran oo sababi karta in Ammaanka dalka uu qalqal galo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com