Xog: R/W Cabdi Weli & Kay oo kulmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Cabdi Weli Sheekh Axmed ayaa kulan aan caadi aheyn xafiiskiisa kula qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay, sida ay sheegeen xubno ku dhow xafiiskiisa.

Kulanka Nicholas Kay iyo Cabdi Weli ayaa wada-hadlayey ku dhawaad Seddex saac oo xiriir ah, iyadoona kulankaasi ay ku lafagureen Khilaafka iyo xiisada ka dhalatay hadalkii Kay ee ku wajahnaa Baarlamaanka.

Nicholas Kay ayaa waxa uu R/W C/Weli Sheekh ku dhiiragaliyay inuu hakiyo Mooshinada dhankiisa ka socda, sidoo kalena uu madaxweynaha si taas la mid ah weydiisan doono.

Sidoo kale, Nicholas Kay ayaa la sheegayaa in C/Weli uu ku wargaliyay in xilkiisa uusan weyn doonin, islamarkaana uu ku dadaali doono sidii loo baajin lahaa mooshinka ka socda dhanka madaxweynaha iyo kooxdiisa.

Kulanka Nicholas Kay iyo C/Weli Sheekh ayaa waxa uu imaanayaa xili labaduba uu Khilaaf Siyaasadeed kala dhexeeyo Xasan Sheekh, iyadoona Nicholas Kay uu xiligaani u ololeynaayo in Ra’isul wasaare C/weli uu garyeesho islamarkaana Beesha caalamka ay ku taageerto go’aanada uu qaadanaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com