Xildhibaano kulan aan caadi aheyn ku leh Muqdisho (Maxey ka shirayaan?)

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo garay ayaa sheegaya in kulan aan caadi aheyn uu saakay ka dhici doono Hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho kaasi oo la sheegay inuu u dhexeyn doono Xildhibaano Taageero u ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan sheekh Maxamuud.

Xildhibaanadaasi ayaa la sheegayaa inay ka arrinsanayaa arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin kasbashada Xildhibaanada taageersan Ra’isulwasaaraha dalka, hirgalinta Mooshinka diyaarsan iyo tallo isweydaarsi ku aadan qar ka tuurka R/W C/weli.

Xildhibaanada ayaa la sheegayaa inay kor u dhaafayaan ilaa 23-kuwaasi oo hor boodaya Madaxweyne xassan, waxaana la filayaa in kulankooda kadib ay kulan albaabada u xiran yahay la qaadan doonaan Madaxweyne Xassan iyo xubnaha Dam-jadiid ugu sareeya.

Xubin ka tirsan Xildhibaanada kulmi doona ayaa inoo xaqiijiyay in kulankaani uu yahay mid barbar socda kulan xalay ka dhacay Madaxtooyada Somalia kaasi oo ay la qaateen Xassan iyo Saraakiisha ugu sareysa Dam-Jadiid.

Lama Oga natiijada ay kulankaani kasoo sari doonaan waxaase la filayaa in kulanka kadib guulaha kasoo baxa loo gudbin doono Xassan sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com