Xoosh Jibriil: Anagaa ku filan khilaafka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ka tirsan Golaha baarlamaanka DF Somalia ayaa daboolka ka qaaday in Xildhibaanada Somalia ay ku filan yihiin xalinta Khilaafaadka ka dhex curtay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan sheekh maxamuud iyo Ra’isulwasaare C/weli sheekh.

Waxa uu sheegay in dalka uusan xiligaani laheyn Maxkamad dastuuri ah, sidaa darteed ay iyagu isku xilqaami doonaan soo afjarida Khilaafka baahay.

Xildhibaan Xoosh waxa uu soo hadalqaaday hadalkii Nichlos Kay ee ahaa mid meel ka dhac ku ah xubnaha Baarlamaanka Somalia, sidaasi awgeedna laga rabo inuu raali gelin ka bixiyo. waa sida uu hadalka u dhigay Xoosh.

Dhanka kale, waxa uu Golaha shacabka ugu baaqay inay dhexda u guntadaan sidii loo soo afmeeri lahaa Khilaafka waxa uuna kadigay in labada mas’uul loo kala xagliyo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com