Wasiirkii hore ee gaashaandhigga oo ku geeriyooday magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasmada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday habeenimadii 4-11-2014, Jen. C/risaaq Isaaq Biixi oo xilal kala duwan kasoo qabtay ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeedka hor iyo kadib burburkii dalka.

Jeneraalka ayaa u geeriyooday xanuun mudo labo sano ah uu la jiifay xarun caafimaad oo ku taal magaalada Muqdisho, sida uu xaqiijiyay walaalkiis, waxaana xanuunkaasi uu kasoo gaaray weerarkii ismiidaaminta ee 1 May 2012 lagu qaaday hotel ay deganaayeen.

Marxuumka ayaa la filayaa in lagu aaso magaalada Muqdisho maanta oo Arbaco ah, waxaana taariikhdiisa oo kooban ka warbixiyay marxuumka walaalkiis Jeneraal Maxamed Isaaq Biixi.

Cabdirisaaq Isaaq Biixi waxa uu ku dhashay sannadka marka uu ahaa 1948-dii magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, isla markaana uu ku soo qaatay Waxbarashadiisii  ilaa heerka dugsiga dhexe kaddib waxa la keenay caasimadda Muqdisho si uu heerkiisa waxbarasho u sii wato waxa uu ku dhameeyey Dugsiga sarre.

Cabdirisaaq Biixi
Cabdirisaaq Biixi

Waxaa loo qaatay xilligii dowladda Military-ga aheyd Tababar Leyli Sargaal ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loogu qaaday magaalada Modena ee dalka Taliyaaniga kaddib waxa uu ku soo laabtay dalka, isagoo gudagalay howlaha ciidammada heerar kala duwanna ka gaaray.

Waxa uu soo noqday taliyihii qeybta 21-aad ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed sannadkii 1981-kii, gobolka Galgaduud ayuuna ku sugnaa xilligaasi.

Waxa uu soo noqdey Wasiirkii Gaashaandhigga dowladdii Kmg-ka aheyd ee uu Madaxweyne ka ahaa Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

burburkii dalka kaddib waxa uu ahaa shaqsi dadaal badan ku bixiyey sidii Umadda Soomaaliyeed dowladnimo u gaari lahayd, isagoo soo noqday Xildhibaan dowladihii Kmg-ka ahaa ee Madaxweyneyaashii Cabdi Qaasim iyo Sheekh Shariif, xiligii laga gudbay kmg-ka waxa uu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo howlihiisa caadiga ah iska wata.

Muddo ku dhowaad laba sannadood ayuu ka xanuunsanayey dhanka neerfaha, oo uu ku jiray Isbitaal maanta ayaa loo qaadi lahaa dalka Turkiga, hasa yeeshee General Cabdirisaaq Isaaq Biix tii Rabbi ayaa u timid oo uu geeriyoodey.

Jeneralka ayaa Ifka uga tagay Shan carruur ah oo saddex ka mid ah ay yihiin rag halka labana ay yihiin gabdho iyo xaaskiisii oo Muqdisho ku sugan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com