108 xildhibaan & wasiiro Muqdisho ku shiray, lana saftay Cabdi Weli + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxa Maanta ku kulmay 108 Xildhibaan iyo Wasiiro badan oo taagersan Ra’iisul Wasaare Cabdi Wali, kuwaasi oo taageersan ra’iisul wasaare Cabdi Weli, islamarkaana diidan in xilka laga qaado.

Wasiirada kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Diinta iyo Owqaafta,Wasiirka Warfaafinta,Wasiirka Haweenka,Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Gaashaandhiga, iyo kuwa kale.

Xildhibaanada iyo wasiirada ayaa sidoo kale taageeray hadalkii wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia Nicholas Kay.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Abtidoon ayaa sheegay in warka ka soo yeeray Nicholas Kay ay wax ka run yihiin, isla markaana qaar Xildhibaanada ka mid ah codkooda la iibsanayo, isagoo cadeeyay in dad mas’uuliyiin ah ay arrintan wax ka wadaan.

“Warka ka soo baxay Nicholas Kay marka fiirinay inay xaqiiq tahay noo soo baxday, in xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka codkooda la iibsanayo inay sax tahay, ma badno, wax jiro waaye, waana wax aan dul istaagnay, hadii magaalada Muqdisho la yimaado wax qarsoon ma ahan, dad mas’uuliyiin ah ayaa ka qeyb qaadanaya oo dhahaya cod isii, warqadan ii saxiix”ayuu yiri Xildhibaan Abtidoon.