XASAN oo xildhibaannada Puntland la kulmay qorshe cajiib ahna u bandhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan albaabada u xiranyahiin caawa la yeeshay xildhibaanada ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Xildhibaanada uu madaxweynaha la kulmay ayaa gaaraya tiro ahaan 25 xildhibaan, inkasta oo tirada xildhibaanada Puntland ka soo jeeda ay yihiin 32 xildhibaan.

Mid ka mid ah xildhibaanada ka qeybgalay kulanka ayaa idaacadda Dalsan ee Muqdisho u sheegay in kulanka uu salka ku hayey sidii ay xildhibaanada reer Puntland uga qeyb gali lahaaayeen mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmd.

Waxa uu xildhibaanka sheegay in madaxweynuhu u ballan qaadauy xildhibaanada in ra’iisul wasaaraha soo socdaa uu ka dhigi doono qof Puntland ka soo jeeda, haddiiba ay dhacdo in mooshinka lagu rido ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Dhinaca kale Xildhibaanada Puntland ka soo jeeda ayaa maanta si dhameystiran u joogay kullan kale oo lagu taageerayey hadalkii KAY ee maanta Muqdisho ka dhacay, waxayna u muuqataa in madaxeweynaha uu qeybinayo xildhibaanada Daarood oo hadda badankood taagersan Cabdi Weli.

Ma caddaa, go’aanka ay xildhibaanada Puntland ka qaadan doonaan ballan qaadka madaxweynaha, waxaase qarsooneyn in Puntland iyo Cabdi Weli si aad ah isugu xiran yihiin.

Si kastaba, sababaha Puntland ay u diidan tahay dowladda Xasan Sheekh, ayaa ahayd inay dooneysay in xubinta Daarood ee ra’iisul wasaarenimada ay ka mudan tahay beelaha kale, waxaana ballan qaadka Xasan Sheekh uu beddeli karaa siyaasaddii maamulkaas.

Dagaalka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ee dhinaca siyaasadda ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya, waxaana muuqata iney ku dagaalamayan helitaanka xildhibaanada.

Xigasho: Idaacadda Dalsan