NICHOLAS KAY oo 3 maalin gudahood dalka looga saarayo iyo xildhibaano…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas KAY ayaa la sheegay in uu dalka isaga baxayo waqti kooban, haddii uusan raali gelin ka bixin gefkii uu u geystay mudanayaasha baarlamaanka.

Ambassador KAY ayaa sheegay dhowaan in uu ka walaacsan yahay, in mudaneyaasha baarlamaanku ay lacago laaluush u muuqda ku qaataan in la rido ra’iisul wasaaraha dalka, ayna keenaan mooshino ka dhan ah.

Kulan shalay ay mudaneyaasha baarlamaanku yeesheen oo saxaafadda banaanka looga soo saaray, ayaa waxaa ay xildhibaanada qaarkood soo jeediyeen in hadii uusan ka cudur daaran hadalkaas, 12 saacadood gudahood dalka laga saaro, balse xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyay in waqtigaas uu yaryahay loona kordhiyo.

Macluumaad cusuby ayaa muujineysa in uu KAY dalka ka baxayo sedax maalmood kedib haduusan garowsan in uu ka laabto hadalkii uu warbaahinta mariyay ee uu ku sheegay in baarlamaanku ay u kala safan doonaan madaxda, madaxweynuhuna uu awood u yeelan doono in uu wasiirka koobaad xafiiska ka eryo.

Xildhibaano badan ayaa maanta qorsheynaya in ay baarlamanka horgeeyaan qaraar ku baaqaya in KAY uu dalka ka tago, hadii kalena uu ka noqdo hadalkii foosha xumaa ee uu baarlamaanka ka sheegay.

Waqtiga saddexda maalmood ayaa waxa uu ka billaabanayaa marka baarlamanka go’aanka uu gaaro.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah baarlamaanka ayaa noo sheegay in ay dhamaan mudaneyaasha baarlamaanku ka xunyihiin hadalka ka soo yeeray KAY, waxaana uu yiri “KAY waxay u dhowdahay in uu dalka ka baxo hadii uusan sida sharcigu yahay raali gelin ka bixin gefka uu ku sameeyay golaha sharci dejinta qaranka”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com