Xildhibaannada BF oo war rasmi ah ka soo saaray gefkii N. KAY + Dhageyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka jawaabay hadal dhawaan kasoo baxay Nicholos Kay oo ah Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay dalka Soomaaliya.

Xubnahaan Xildhibaanada oo maanta Warsaxaafadeed soo saaray, ayaa sheegay in Nichlos Kay uu xagdudub ku sameeyay xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya, maadaama meel uu uga dhacay sharafta Xildhibaanada.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo u hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Nichlos Kay loo ga baahan yhaya inuu raaligelin ka bixiyo gafka uu ugeystay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xayir ayaa tilmaamay in Nichlos Kay uu yahay masuul u qaabilsan Qaramada Midoobay dalka Soomaaliya aanan looga baahneyn inuu sidaasi u hadlo.

War dhawaan kasoo baxay Nichlos Kay ayaa lagu sheegay inuu ka walaacsan yahay in xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ay qaataan lacag loo adeegsado riditaanka Xukuumadda hada jirta.

Dhageyso Xildhibaan Maareeye

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com