Xilka GOODAX oo halis weyn la geliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Daahir Amiin jesoow oo ah Gudoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in ay dhawaan Barlamaanka usoo gudbin donaan warqad ay ku dal banayaan in dib u eegis lagu sameeyo xilka wasiirnimo ee Wasiirka Arimaha Guddaha C/laahi Goodax Barre.

Waxa uu sheegay in wada shaqeyntii gudiga uu la lahaa wasiirka ay meesha ka baxday kadib markii ka gadaal markii uu wasiirka ka dhaga adeyga in ay wax ka weydiyaan waxyaabaha u qabsoomay sida uu Xildhibaan Jesoow sheegay.

Isagoo hadalka sii wata ayuu dhinaca tilmaamay in wasiirku uu sameeyay maamulo aan sharci aheyn oo uu san kala tashan xildhibaanada kasoo jeeda degaanada uu mamaulada ka dhisay taas oo uu sheegay in ay keeni karto isku dhacyo beleed.

Eedeymaha uu wasiirka u jeediyay waxaa qeyb ka ah wax ka qabasho la’aanta dagaal beleedyada ka jira qaar kamida Gobolada Dalka gaar ahaan beelaha ku dagaalamaya degaanka Defoow ee Gobolka Hiiraan.

Warkaan kasoo baxay Gudiga Arimaha gudaha iyo Amniga ee Barlamaanka ayaa kusoo aadaya xili mudooyinkii u dambeeyay ay soo badanayeen maamul goboleedyada dalka laga dhisayo kuwaas oo intooda badan weli laysku haysto.

Haddalka Dahir amiin Jeesow ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili dhowr jeer ay xildhibaanada qaar dalbadeen in Wasiirka arrimaha gudaha laga wareejiyo xilkaasi, halka qaarna ay sheegen inuu wato madaxweyne xassan, waxaana iminka muuqaneysa in Wasiir Goodax uu xiligaani qeyb ka noqonaayo Mooshinada laga wado Labada mas’uul ee ugu sareysa dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com