Amarkii R/Wasaare C/WELI oo la diiday

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ka soconaya shirka maamul u sameynta saddexda Gobol ee Gobolada Koonfureed.

Shirkaani ayaa Magaalada ka socda, xilli maalmo ka hor Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka C/Weli Sheekh Axmed ay kasoo baxday warqad xubnaha maamulaya shirka lagu faray inay yimaadaan Magaalada Muqdisho si looga arrinsado aayaha Gobolka.

Xubnaha oo ka dhaga adeegay baaqa Ra’isulwasaaraha ayaa waxa ay maanta u fadhiisteen meelmarinta Dastuurka uu yeelanaayo maamulkaasi.

Dhanka kale, amar jabinta Ergooyinka ayaa waxa ay u muuqataa inaan dhag jalaq loo siin hadalkii kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka C/weli sheekh axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com