160 Xildhibaan oo saxiixay moshinka C/Weli (Isbeddel lama filaan oo dhacay)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay goor dhow heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mooshin codka kalsoonida loogu qaadayo ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed uu helay teegeerada xildhibaanno badan.

Mooshinka ayaa waxaa saxiiday 160 xildhibaan, sida xildhibaano ka tirsan kuwa saxiixay ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Marka xildhibaanada ay mooshinka u gudbiyaan guddoomiye Jawaari, waxa ay weydiisan doonaan in codka kalsoonida loo qaado xukuumadda ra’iisul wasaare Cabdi Weli, haddii uu waayana waa ay dhici doontaa xukuumadda.

Tani waxa ay ka dambeysay maalmo mooshinka lagu diyaarinayey hoteelada magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kadib khilaaf soo kala dhex galay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Guddoomiyaha baarlamanka Jawaari ayaa xalay illaa shalay waday dadaallo lagu baajinayo mooshinka, asaga oo Cabdi Weli ka codasaday inuu aqbalo isku shaandheyn cusub oo uu wasiirada ku sameeyo, si loo soo celiyo xubnaha uu madaxweynaha doonayo.

Illaa iyo hadda ma caddaa in dadaaladaas ay guuleysteen iyo in kale, waxaase haddii ay guuleystaan ay baajin karaan mooshinka.

Xilli 115 Xildhibaan ay mareysay Xildhibaanada saxiixday mooshinka ka dhan ah Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxaa maanta oo kaliya ku soo biirtay 45 Xildhibaano, xilli Xildhibaanada Baarlamaanku ay ka caroodeen hadalkii ka soo yeeray Nicholas Kay.

Nicholas Kay, ayaa Xildhibaanada ku eedeeyay inay codadkoodu lacago ku qaataan, kolka ay noqoto ridista Wasiirka 1-aad ee Xukuumada, taaso taabatay dareenka Xildhibaanada, iyagoona caro xoog leh ka muujiyay.

“Nicholas Kay, waxa uu mooday inuu Cabdi Weli u hiilinayo, hase yeeshee hadalkiisa waxa uu ka carreysiiyey xildhibaanada, waana isbeddelka lama filaanka ah ee dhacay” ayuu yiri xildhibaan la hadlay Caasimada Online.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in mooshinka maanta loo gudbiyo guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com