Nicholas KAY oo guul lama filaan ah u gacan geliyey Xasan Sheekh (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadalkii gefka ku ahaa madax banaanida Soomaaliya ee Nicholas Kay, ayaa guul lama filaan ah oo deg deg ah u gacan geliyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay xildhibaano u sheegeen Caasimada Online.

War qoraal ah oo kasoo baxay Kay ayuu ku yiri ““Waxaan garowsanahay oo aan ogahay xilkasnimada xildhibaanada Baarlamaanka ee isxilqaamay iyo hawsha adag ee ay hayaan, laakiin waxaan ka walaacsanahay eedeymo sheegaya in qaar ka mid ah Xildhibaanada la weydiisanayo inay codkooda lacag siistaan iyadoo laga yaabo inuu dhaco mooshin ‘Kalsooni Kala Noqosho ah’, taasoo dhabarjab ku ah horumarka ay Soomaaliya u qaadayso dhanka isla xisaabtanka iyo hufananaanta,Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeedba waxay mudanyihiin wax sidaas ka fiican”.

Xildhibaano badan oo ka carrooday hadalkaas ayaa si lama filaan ah uga soo horjeestay ra’iisul wasaare Cabdi Weli, ayaga oo ku dhaartay inay ridi doonaan, islamarkaana u muujin doonaan Nicholas Kay inay xor u yihiin codkooda.

“Xildhibaanada waxa ay hadalka Kay u arkeen gef, ayaga oo ku xumeenaya isaga ayayna hadda kuwa badan oo ku dhow 50 ku biireen mooshinka Cabdi Weli, arrintan wax weyn ayay beddeshay” ayuu yiri xildhibaan la hadlay Caasimada Online.

Waxa uu intaas ku daray “Kay waxa uu mooday inuu caawinayo Cabdi Weli, hase yeeshee hadalkiisa waxa uu dhaawac xun gaarsiiyey ra’iisul wasaaraha, waxaana uu guul lama filaan ah siiyey madaxweynaha, oo hadda kasbaday xildhibaanno badan”.

Mooshinka ra’iisul wasaaraha oo ay markii hore taageersanaayeen kaliya 115 xildhibaan, ayaa waxaa hadda xildhibaanada saxiixay ay gaarayaan in ka badan 160 xildhibaan, taasi oo ku filan in Cabdi Weli ay ridaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com