Xog: Xaalka Villa Somalia oo aan caadi ahayn maanta iyo XASAN SHEEKH oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka ka imaanaya Aqalka madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in mooshinka Cabdi Weli uu meel gebo gebo ah maraya,ayada oo la arkayo Madaxweyne Xasan Sheekh la kulmayo qaar ka mid ah Xildhibaanada u wada Mooshinka iyo kuwa isaga kasoo horjeeda.

Waxaa Saakay sidoo kale, la arkayaa Wasiiro iyo Xildhibaano farabadan oo kusii qulqulaaya Xarunta Madaxtooyada kuwaasi oo ballamo kama danbeys ah la qaadanaayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia, iyadoona maanta lagu wado in Baarlamaanka la horgeeyo Mooshinka Ra’iisul wasaare Cabdi Weli looga soo horjeedo.

Jawiga Madaxtooyada ayaa aad u qasan waxaana la soo sheegayaa in Saakay madaxweynaha oo si gaar gaar ah ula shiraayo Wasiirada u daadihinaaya Fulinta iyo la socodka Mooshinada lagu tuuraayo Ra’iisul wasaare C/weli.

Waxaa kulamadaasi barbar socda mid u dhexeeya Ra’iisul wasaaraha dalka iyo Xildhibaanadiisa waxa uuna RW C/weli muujinayaa iska difaacida Mooshinka laga wado, inkastoo uu taagero buuxda xiligaani ka heysto Beesha caalamka.

Lama Oga sida uu xaalku noqon doono waxaana wadnaha farta ku haya Madaxweyne Xassan iyo Ra’isulwasaare C/weli oo iyagu Mooshinadooda ugu horeeyay Saakay la horgeyn doono Golaha shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com