Hay’adda culimada oo war cad kasoo saartay khilaafka Xasan iyo Cabdi Weli

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu cirka isku sii shareerayo Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan sheekh maxamuud iyo Ra’isulwasaaraha dalka C/weli sheekh axmed, ayaa waxaa arrintaasi goor dhow war kasoo saaray Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed.

War uu soo saaray Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed, ayaa waxaa DF Somalia looga digay in Khilaafka dhexdooda ka abuuran uu saameeyo amniga iyo faragelin shisheeye inay ku timaado arimaha dalka Somalia, sida warkaasi loo dhigay.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa waxa uu digniin adag ka bixiyay in Khilaafka labada Mas’uul uu sababo faragalin shisheeye waxa uuna walaac adag ka muujiyay habdhaqanka caadada u noqday Madaxda dalka ee badi soo dadajiya Mooshinada iyo kala fogaanshaha.

Waxa uu sheegay in khilaafkaan uu sababi karo amnidaro, faragelin shisheeye oo Somalia la odhan karo kol hadii ay ismaamuli weyde waa la maamulayaa, waa sida Sheekh hadalka uu u yiri.

Sidoo kale, Sheekh Bashiir Axmed Salaad Gudoomiyaha Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ayaa waxa uu Xassan iyo C/weli ugu baaqay inay xalistaan arrimahooda islamarkaana ay ka fogaadan wixii keeni kara hoos u dhaca iyo khilaafyada Ehelka u noqday madaxda dalka, waxa uuna ku baaqay in khilaafkan loo xaliyo hanaan ku saleysan shareecada Islaamka iyo Soomaalinimo intaba, iyadoo laga fekeraayo danaha umadda Soomaaliyeed.

Nuqul kamid ah hadalka kasoo baxay Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa waxaa kamid ahaa “Khilaafkaan waxa ay keeni kartaa in la dhaho dad waxmagarato waaye oo aan is maamuli karin, kadibna waxaa imaanaysaa in la dhaho waa in la idin maamulaa, hay’adda culimadda Soomaaliyeed waxa ay ku baaqaysaa isku tanaasul iyo in arimahaan sharceeda islaamka lagu xaliyo”

Dhanka kale, Haddalkaani ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo baryahaani ay soo baxayeen baaqyo kala duwan oo ka kala imaanaya dal iyo dibad kuwaasi oo ku socda Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka iyo Ra’isulwasaaraha dalka oo ay khuseeyso arrintaani xal ka gaarideeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com