“Nicholas KAY waxa uu ka soo gudbay xadkii loogu talay-galay”..Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga C/laahi Sheekh Xasan oo maanta Saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa ugu baaqay Wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya inuu faraha kala baxo siyaasada iyo khilaafka ka dhex-taagan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

C/laahi Sheekh Xasan, ayaa wuxuu sheegay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay leeyihiin go’aanka xalka khilaafka udhaxeeya Madaxda dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay inaan xilligaan loo baahneyn faragelin ay sameeyaan Beesha caalamka.

“Aniga Xildhibaanada Baarlamaanka uma hadlaayo, laakiin waxaan maqlaayay hadalkii xalay kasoo baxay Nichlos Kay oo kulahaa Xildhibaanada in lacag loo isticmaalo ayaan ka walaacsanahay taasina waa qalad inuu ku hadlo” Ayuu yiri C/laahi Sheekh Xasan oo intaasi hadalkiisa ku daray in Nichlos Kay laga rabo inuu faraha kala baxo arimaha khilaafka.

Siyaasigaan ayaa sheegay in madaxda dowladda ay u dhaarteen inay dadka u shaqeeyaan, wuxuuna ugu baaqay inay isku tanaasulaan madaxda dowladda si xal buuxa looga gaaro khilaafka.

Waxa uu dhanka kale sheegay Siyasigaan in Baarlamanka Soomaaliya laga rabo inay qaataan doorkooda ku aadan hanaanka xalinta khilaafka ka dhex-oogan madaxda dalka.

Waxa uu sheegay C/laahi Sheekh Xasan in Baarlamaanka Soomaaliya arintaan faragelin ay ku sameeyaan si meesha looga saaro kala feker duwanaanshaha madaxda ka dhaxeysa.

Khilaafka ka dhex-oogan Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray heerkii ugu xumaa, welina ma muuqato xal buuxa oo arintaasi laga gaaray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com