Muqdisho oo aad looga hadal hayo fal argagax badan oo Amisom ay geysatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Dabakaayo Madoow degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in gaari AMISOM ah uu halkaasi ku jiiray dad shacab ahaa.

Dadka uu gaariga Jiiray ayaa la sheegayaa inay gaarayaan Shan qof, iyadoona uu dhaawac soo gaaray Laba ka mid ahaa Haween halkaasi Khaat ku iibinaayay, halka seddaxda kalena yihiin dhalinyaro goobta ku sugnaa.

Mid kamid ah dadkii goobta uu shilka ka dhacay ku sugnaa ayaa Cod baahiyaha u sheegay in shilka ka dib uu halkaasi ka baxsaday gaarigii AMISOM ee falkaasi geystay.

Dhanka kale waxaa goobta falkaan ka dhacay gaaray ciidamada dowladda Somalia, kuwaa oo la sheegayo inay ka daba baxeen gaarigii AMISOM ee shacabka Jiiray, hayeeshe ma suuragalin in gacanta lagu soo dhigo.

Falkaani ayaa waxa uu barbar socdaa falal ceynkaani ah oo maalmihii lasoo dhaafay ay gaadiidka AMISOM ka geysanayeen Magaalada muqdisho, inkastoo uusan jirin cid arrintaasi kala xisaabtameysa AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com