Wasiiro iyo xildhibaanno Hawiye ah oo ka farxiyay ra’iisul wasaare Cabdi Weli

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaray xubno lagu kalsoon yahay, ayaa sheegaya in xalay uu kulan xasaasi ah dhex maray Ra’isul wasaare Cabdi Weli iyo Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan DF Somalia.

Ilo-wareedka ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha ay xalay qaabileen ilaa Siddeed isugu jira wasiiro iyo ku-xigeeno iyo in kabadan 25 xildhibaan kuwaasi oo Ra’isul wasaaraha u cadeeyay inay taageersan yihiin islamarkaana uu qaldan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada.

Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa la sheegayaa in ay kasoo jeedan Beelaha Hawiye, iyagoona inta ay u tagin Ra’isul wasaaraha ka hor kulan aan caadi aheyn kusoo qaatay Hoteelada kadibna si wada-jir ah ugu tagay Cabdi Weli Sheekh.

Ilo-wareedka ayaa sheegaya in Wasiiradaasi ay kamid ahaayen Wasiir Dhuxulow, Khaliif Erag iyo wasiiro kale kuwaasi oo diidan siyaasadda madaxweynaha.

Dhanka kale, Ra’isulwasaare C/weli ayaa xalay wajigiisa laga dheehanaayay Farxad, sida ay kusoo waramayaan ilo-wareedyada Caasimada Online ee ku sugan Aqalka Ra’isul wasaaraha DF Somalia, waxa uuna niyad furan kusoo dhaweeyay go’aanka ay Wasiiradaasi iyo Xildhibaanada ku taageeren Mowqifkiisa.

Waxaa xusid mudan in dhowaanahan ay beelaha Hawiye ugu carreysnaayeen siyaasado beesha aysan jecleysan oo uu ku raacay ra’iisul wasaare Cabdi Weli, waxaase yaab leh in Cabdi Weli-gii ay eedsanayeen ay iminka taageeraayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com