JawaariI oo qorshe fiican u bandhigay Xasan iyo Cabdi Weli iyo heshiis laga…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawarai ayaa usoo bandhigay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Cabdi Weli qorshe labadaba dan ugu jirto, xalna lagu gaari karo.

Sida ay Caasimada Online xogta ku heshay, saddexda mas’uul ayaa kullan dheer yeeshay, kadib markii uu soo baxay cadaadis xooggan oo ka imanaya beesha caalamka.

Jawaari, ayaa ka codsaday Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli inay meel dhexe isugu yimaadaan, islamarkaana dhammeeyaan khilaafka.

Waxa uu madaxweynaha usoo jeediyey inuu baajiyo mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha, oo iminka taageero xooggan haysta. Waxa uu isna usoo jeediyey Cabdi Weli inuu dib isugu shaandheeyo golaha wasiirada, islamarkaana uu saamiga uu doonayo ka siiyo madaxweynaha iyo isagaba.

Sida wararka sheegayaan, inkasta oo aan xal kama dambeys ah la gaarin, haddana waxaa jira dabac xooggan oo labada dhinac ah, gaar ahaa dhanka ra’iisul wasaaraha, maadaama ay u eg tahay in madaxweynaha u aqbalayo hindisaha Jawaari.

Xogta Caasimada Online ayaa sheegeysa in Jawaari uu ra’iisul wasaaraha u sheegay in mooshinkiisa cod badan loo hayo, sidaa darteedna ay muhiim tahay inuu qaato heshiis, si mooshinka loo baajiyo.

Jawaari ayaa sidoo kale u sheegay ra’iisul wasaaraha in inkasta oo uu u madax banaan yahay inuu wasiirada magacaabo, haddana ay muhiim tahay inuu madaxweynaha la tashto, isaga oo xusuusiyey inuu boqolaal qof isaga oo heli kara uu magacaabay.

Waxaa wararka ay sheegayaan in kullan kale lagu ballamay, ayna suurta gal tahay in halkaasi lagu qeybsado wasiirada cusub, islamarkaana ra’iisul wasaaraha uu aqbalo isku shaandheyn cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com