BF oo qaadacay magacaabista Safiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo maalmo ka hor ay Xukuumada Somalia xilka ka qaaday Safiiro, islamarkaana magacawday kuwo kale, ayaa waxaa arrintaasi kasoo horjeestay qaar kamid ah Gudiga Arimaha dibadda BF Somalia

Gudiga ayaa sheegay inaysan aqbali karin go’aanka kasoo baxay Xukuumada Somalia, islamarkaana ay qaadaceen, go’aanka lagu magacaabay Safiiradii dhawaan ay magacaabeen golaha wasiirada xukuumadda Somalia.

Maxamed Cumar Dalxa oo ah Gudoomiye ku- xigeenka gudigaasi kuna hadlaayay afka gudiga ayaa sheegay inaan lagala tashan magacaabista Xubnahaasi, sidoo kalena meesha aan lagu salayn hanaanka Soomaalida wax ku qeybsato.

Waxa uu sheegay in meesha laga saaray Beelo dhowr ah oo xaq u lahaa Safaaradahaasi, loona dhiibay beelo kale, taasina aysan noqon doonin mid ay ku qancaan.

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in wax wada shaqeyn ah aanay kala dhaxeyn xiligaan wasaaradda arimaha dibadda Somalia, islamarkaana wasaaradda ay la tashi la’aan ku magacawday xubno badan.

Dhanka kale, waxa uu tilmaamay in Safaaradaha qaar loo badiyay hal beel taasina ay meel uga dhacday rajadii laga lahaa Dastuurka iyo Beelaha kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com