Dhacdo xannuun badan oo ka dhacday Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Haweeney halkaasi ku nool ay xubinta taranka ka jartay Zeygeeda.

Dhacdadaani ayaa waxa ay ka dhacday meel aan ka fogeyn Isbitaalka Cariif ee isla degmada, waxa ayna dhacdadaani ka dambeysay kadib markii ay maseertay Haweeneydaasi.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaayo in Haweeneydii falkaasi geysatay ay durbadiiba dalka isaga baxday, iyadoona ka dhuumatay carruurtii ay dhashay.

Ninka xubinta laga jaray ayaa markii dambe u dhintay dhiigbax, bacdamaa uu waayay gurmad, waxaana halkaasi meydkiisa ka qaaday Ciidamada Degmada oo hooyga gaaray wakhti dambe.

Dhanka kale, Magaalada Muqdisho, ayaa mudooyinkii dambe marti galineysay dhacdooyin fool xun oo inta badan dhexmarta Lamaanayaasha taasi oo markii dambe sababta dil dhexmara labada ruux.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com