Odayaash beelaha Cadaado iyo Dhuusamareeb oo buux dhaafiyay VILLA SOMALIA + Qorshaha

Muqisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Villa Somalia, ayaa sheegaya in halkaasi ay gaaren Odayaal kasoo kala jeeda Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb kuwaasi oo kulamo gaar gaar ah la qaadanaayo Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Odayaashani oo maalmahaani ku sugan Magaalada Muqdisho qeybna ka ah Odayaasha dardar galinaaya dhismaha Maamulka la filaayo in loo dhiso Mudug iyo Galgaduud, ayaa waxa ay iminka Madaxweyne Xassan kala hadlayaan go’aan ka gaarista Khilaafyada.

Odayaasha oo iminka hordhooban Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa la tilmaamayaa inay u socdaan laba go’aan midkood in la hakiyo gabi ahaan shirka maamulka lagu dhisaayo si heshiis looga gaaro Khilaafka iyo In madaxweynaha uu la imaado war cad si loo soo afjaro Khilaafyada sii kala fogeynaayo Beelaha walaalaha ah.

Labada garab ee Odayaasha ayaa midba midka kale doonayo inuu kaga awood bato Siyaasadaha la xiriira halka lagu qabanaayo shirka, inkastoo Madaxweyne Xassan uu saxiixay amar ah in shirka uu ka furmaayo Cadaado.

Madaxweyne Xasan ayaa isku dayaaya inuu qanciyo labada garab, waxaana adag in la baajiyo Shirka maadaama in badan lagu howlanaa diyaarintiisa.

Lama oga g’aanka ay Odayaasha kala kulmi doonaan labada mas’uul ee dalka ugu sareysa, waxaana mar waliba suuragal ah in Xassan Sheekh uu qaato go’aan ka duwan go’aankii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com