Ukuntaan waxaa laga soo saaray jirka nin bani’aadam ah (Sawirro)

London (Caasimadda Online) – Waa wax qariib ah laakiin ukuntaan waxaa laga soo saaray jirka shaqsi bani’aadam ah. Qalliin lagu sameeyey isbitaal ku yaalla magaalada Washington ayaana ukuntaan looga soo saaray jirka nin 62 sanno jir ah.

Inkastoo ay muuqaal ahaan tahay mid mug weyn leh, waxay ukuntaani 3.34 inches ku kortay jirka ninkaan, sida ay sheegtay jariiradda Huffpost.

Dr. Rachael Sussman iyo Dr Jonah Murdock ayaa sheegay inay ukuntaani tahay middii ugu weyneyd ee nuuceeda ah ee ku kortay jirka qof bani’aadam ah, sida lagu daabacay jariiradda New England Journal of Medicine.ad_164918326 ad_164918255