XOG: Wasiir Diini iyo Odayaasha beesha SADE oo hal arrin isku fahmi la’ iyo xog sheegaysa…

Cabudwaaq (Caasimada Online) – Kulamo gaar gaar ah oo u dhaxeeyo wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Cali Diini iyo waxgaradka beesha Sade ee Caabudwaaq ayaa noqday kuwo  hal arin la isku fahmi waayay.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online, u sheegay in wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya uu doonayo in odayaashii dhawaan kasoo cararay dhirka Dhuusomareeb aqbalaan in shirka maamul usameynta ka dhaco magaalada Cadaado.

Waxaanan wali wax natiijo ah aysan bixin kulamo saacado qaatay oo ka dhacay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, una dhaxeeyay wasiir Diini iyo waxgaradka Caabudwaaq.

Odayaal iyo waxgarad ka qeyb galay kulamada gaar gaarka ah ayaa u sheegay Caasimada Online in wasiir  Diini ay ku adkaatay odayaasha inuu ka dhaadhiciyo iney tagaan magaalada Caabudwaaq.

Odayaasha ku sugan Caabudwaaq ayaana kasoo carooday kadib markii mid kamid ah beelaha daga Dhuusomareeb ay ka baxday in shirka maamul u sameynta lagu qabto magaalada Dhuusomareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
Caasimada@live.com