Yaa u qalam xilka madaxtinimada ee G/DHEXE?!

Muqdisho (Caasimada Online) – Marka laga yimaado aqoonta iyo waayo aragnimada maamul ee musharax axmed macalin fiqi, waxaad u maleysaa inay jiraan waxyaabo badan oo uu uga duwan yahay musharixiinta kale oo dhan, waxeyna dad badani qabaan inuu lee yahay calaamado keeni kara in labadaas gobol haddii loo doorto fiqi, inay maalmo cusub oo weliba ka qurux badan kuwa hadda la joogo ay u beryi doonaan ummadaha degan goboladaas. Sabab?

Shaqsiyadda fiqi

Marka la barbardhigo dhamaan musharixiinta kale fiqi waxa uu u eg yahay musharax madax bannaan oo wax badan u qaban doona ummada degan goboladaasi. Ma aha musharax qolooyinka dega goboladaasi ay si gooni ah uga cararayaan mana aha mid lagu xamanaayo inuu koox gooni ah la socdo. Taas waxa ay isaga fursad u siineysaa inuu danaha goboladaas uu ka hormariyo danaha kooxaha ay ka tirsan yihiin musharixiinta kale, waxa uuna noqon karaa mid isu keena dadka degan goboladaas oo iyaga oo aanan si gooni ah cabsi uga qabin meel gooni ah oo uu ka tirsan yahay. Maanta la joogo runtii labadaas gobol waxaa u muhiim ah inay helaaan madax ka weyn koox hebel ama xisbi hebel. Weli lama gaarin maalintii xisbi wax lagu raadin lahaa, maanta waa isu keenkeenidda dadka degan goboladaas iyo in wax laga qabto baahiyahooda iyada oo gacmaha la is heysto. fiqi, waa musharax runtii abuuri kara jewi suurta gelin kara in waa nabadeed ay ka curato gobolada dhexe ee dalka somaliya oo aad looga dheregsan yahay waqtiga adag ay soo mareen dadka degan gobolladaas si loogu jeesto horumarinta goboladaasi.

Deegaanka uu metelo waxa uu musharaxu ka soo jeedaa dhul aad u ballaaran, oo runtii ka mid ah dhulka ugu kheyraadka badan gobolada dalka , oo weliba sida taariikhdu qoreyso wax soo saarkiisu uu kaaba u ahaa gobolka goboladdadalka oo dhan. Waxaa u wehliya, reerka uu ka soo jeedo oo loo arko inuu yahay reer runtii sumcad ku leh dadka dega labadaas gobol runtiina aysan jirin qolo si gooni ah uga didsan. Duruufaha adag ee soo maray labadaas gobol ayaa muhiim ka dhigeysa in la fiiriyo cidda maamulkaas loo dhiibaayo inuu ka soo jeedo reer aanan wax cadaawad amaba culeys ah aysan kala dhexeynin qolooyinka kale ee dega labadaas gobol. Soomaalida meel kasta ayaa danqaneysa, dadka dega labadaas gobolkna kumaba jiraan, marka Musharax fiqi, waxa uu u muuqdaa mid ka duwan dhammaan musharixiinta kale ee urtar tamayaa xilka madaxtinida goolda dhaxe ee dalka somaliya.

Awood iyo Maamul qeybsiga

In kasta oo aysan jirin qaab awood qeysi oo lagu heshiiyay hadana waxaa jira qaabab la rabo in lagu kala qanciyo qabiilada dega goboladaas. Waxaana badanaa la fiiriyaa sida loo kala helaayo, ilaha wax soo saarka oo ay ugu horeeyaan dekedaha , garoomada diyaaradaha, magaalooyinka ganacsiga iyo caasimadda amaba magaalo madaxda labaad ee goboladaas. Waxaa laga yaabaa in musharixiin kale oo la tartamaaya, musharax fiqi, hadana inay rabaan inay in magaalooyin ay degan yihiin ay hadana u tartamayaan inay noqdaan caasimadihii labadaas gobol ama dekeddii labadaas gobol. In kasta oo aysan sax aheyn in caasimad meel loogu diido iyada oo loo fiirinaayo qofka musharaxa ah hadana maadaama la rabo in reer kasta ay iska arkaan maamulkaan oo haba yaraatee wax uun lagu qanciyo, waxaad moodaa in musharixiinta qaarkood, ay ku adkaaneyso inay helaan qaab ay u qancin karaan qabiilada kale, waayo qabiil kasta waxa uu rabaa inuu maslaxad ka helo maamulka la dhisaayo oo u suurta gelisa in dadkiisu dhismaha maamulkaas wax uun ka soo gaaraan. Iyadoo taas la fiirinaayo musharax fiqi degmooyinka uu ka soo jeedo uma taagna inay caasimad noqdaan amaba deked u noqdaan goboladaasi.

Dib u heshiisiinta sia ay sameeyeen maamulladdii midkaan ka horeeyaba, waxaa lagama maarmaan ah in maamulkaani sameeyo dib u heshiisiin ballaaran oo gaarta xadka ka dhexeeya Mudug iyo Nugaal ilaa xadadka ay galguduud la lee dahay labada gobol ee Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan. Dib u heshiisiintaas waxaa sameyn kara oo kaliya musharax runtii aan qeyb ka noqonin dagaaladii ahliga ahaa ee dhowaanahaan ka socday goboladaas, oo weliba aysan reerkiisu qeyb ka eheyn dagaaladdii dib u dhaca u keenay goboladaas.

Xiriirka maamulkaan iyo Maamulada kajira gobolda dalka

Sida la og yahay maamulada kajira gobolda dalka oo hadda maamula degmooyin ka tirsan gobolka Mudug oo la rabo inay ka mid moqdaan maamulka cusub ee hadda la dhisaayo, ayaa muhiimad siineysa qofka uu noqonayo musharaxa maamulka cusub.

Musharax axmed macalin fiqi , waxa uu suurta gal ka dhigi karaa ama ka keeni karaa kalsooni ay dadka degan degmooyinka maamulka Puntland ay maanta diidan tahay inay ku soo biiraan maamulkaan, in iyadoo la fiirinaayo dastuurka ku meel gaarka ah, lagu ganciyo dadka degan degmooyinkaas inay maamulkaan si xor ah uga mid noqdaan. Musharax fiqi ayana codkooda siyaan , marka loo si fiiriyo fiqi ayaa ah mid u dhega nugul umada ku nool gobolada dhaxe ee dalka , waxa uu u eg yahay musharax suurta gal ka dhigi kara in maamulkan cusub uu ku billowdo si degan iyada oo kalsooni lagu siinaayo maamullada deriska ah inaysan wax walwal ah ka qaadin dhismaha maamulka cusub iyo weliba in degmooyinka hadda ka tirsan Puntland lagu soo daro maamulkaan.

Ugu danbeyn, intaas walxaatood oo uu Musharax fiqi uga duwan yahay musharixiinta kale ayaa hubanti ah inay yihiin waxyaabaha ay qiimeyn doonaan waxgaradka, aqoonyahanadda, salaadiinta iyo ugaasyada beelaha dega labadaas gobol, si loo helo maamul bogsiin kara boogihii sana badan mar kasta dib loo danqinaayay. Waa inaan caadifad iyo laba shilin aanan waxba lagu dooran. Waa inaanan la gadannin aayaha iyo mustaqbalka dadka dega labadaas gobol oo laga fikiraa sidii loo heli lahaa madax iyo maamul suurta gal ka dhiga isu soo dhowaashaha iyo iskaashiga waalaha degan laabadaas gobol. Musharax fiqi, marka la fiiriyo qodobada kor ku qoran waxa uu u eg yahay musharax dadka dega lagabaas gobol xaq soore u noqon kara.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com