Daawo Sawirrada: Madaxweyne Shariif oo tagay Holland kana gaabsaday inuu hal arrin ka hadlo

Hague (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo casuumaad uu ka helay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Holland ayaa wuxuu khubad gaaban oo uu u jeediyay waxaa laga waayay inuu kaga hadlo arrimaha siyaasadda dalka, isagoo door biday taas badalkeeda dhinaca samafalka iyo gargaarka oo uu mudooyinkan danbe uu ku guda jiray.

Sheekh Cumar Cabdulle Qaanso oo ku hadlayay magaca guddiga qaban qaabada xafladda lagu soo dhoweeyay Sheekhh Shariif ayaa ka mahad celiyay, isagoo sheegay in ay jecleysteen Jaaliyad ahaan inay warbixin ka dhageystaan Sheekh Shariif Sh. Axmed maadaama uu sheegay in uu dalka kusoo hoggaamiyay wanaag iyo guulihii uu usoo hoyiyay Dowladdii Soomaaliya oo uu KMG-nimadii in ay ka gudubto u sabab ahaa.

Mas’uuliyiin iyo marti sharaf kale oo xafladda soo dhoweynta khudbado ka jeediyay ayaa biya dhacooda ahaa mahadnaq iyo soo dhoweyn.DSCF5320

Dadkii kasoo qeybgalay xafladda soo dhoweynta ayaa intooda badan sugayay khudbada Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sh. Axmed inuu kaga hadlo arrimaha siyaasadda dalka iyo qorshahiisa siyaasadeed ee mustaqbalka, taasoo aaan dhicin inuu soo hadal qaado wax siyaasad ah oo ku saabsan Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa khudbadiisa inteeda badan kaga hadlay dhibaatada iyo dib u dhicii ka dhashay burburkii Soomaaliya, loona baahan yahay in laga shaqeeyo wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka.

“Intaan ka shaqeyn lahaa ama qof walbo shaqeyn laheyd dhibaato dad walaal gaari laheyd, maan ka shaqeeyo sidii aan u caawin walaalaheena Soomaaliyeed ee dhibaateysan” ayuu yiri sheekh Shariif oo sheegay in intii lagu mashquuli lahaa siyaasad ay ka wanaagsanaan laheyd wax ka qabashada dadka masaakiinta ah ee ku dhibaateysan Soomaaliya gees ka gees.DSCF5239

Wuxuu sheegay markii uu wareejiyay xilka ee uu Mareykanka tegay in dad badan oo aqoonyahano u badan in ay ku dhaliyeen qorshaha hadda uu ku guda jiro ee tabarucaadka, taasina ay keentay in wax badan ay ka qabaneyso baahida jirta oo kumanaan caruur dhibaateysan iyo hooyoooyin.

Hay’adda Samadoon oo ah mid uu aas-aaaskeeda uu lahaa Sheekh Shariif ayaa sidoo kale uu ka hadlay, isagoo sheegay in wax siyaasad ah lug ku laheyn, isla markaana sababta loo aasaasayna ay tahay in dadkaasi Soomaaliyeed ee dhibaatada haysato lagu samata bixiyo.

Ugu danbeyntii Sheekh Shariif ayaa ka hadlay qaabka umada Soomaaliyeed ay isugu imaan karto, isagoo sheegay in loo baahan yahay dib u heshiisiin dhab ah oo uu tilmaamay in aysan weli dhicin, loona baahan yahay in ay dhacdo marka hore dib u heshiisiin si dadku isaga cafiyaan wixii dhacay ee burburkii dalka sababay sida dilalkii qabaa’ilka iyo wixii soo raaca.DSCF5243

Sheekh Shariif ayaa sheegay in weli aan la iska ilaawin wixii qabaa’ilka Soomaaliyeed ay kala tabaneyeen, taasoo salka ay ku hayso dilalkii qabiilka ku saleysnaa, ayna adag tahay in la iska ilaawo iyadoo aysan dhicin dib u heshiisiin guud oo qabaa’ilka Soomaaliyeed iyo mid siyaasadeed.

Gabagabadii Sheekh Shariif afkiisa kama soo bixin wax ku saabsan siyaasadda dowladda federaalka ee xiligan, wixii ay ku saxan tahay iyo wixii ay ku qaldan tahay, taasoo u muuqatay inuu dhinac isaga riixayay ka hadalka Siyaasadda, maadaama laga codsaday inuu ka hadlo qorshahiisa siyaasadeed ee mustaqbalka.

DSCF5244DSCF5249DSCF5254DSCF5267DSCF5268DSCF5271DSCF5273DSCF5278DSCF5279DSCF5294DSCF5300DSCF5303DSCF5307DSCF5311DSCF5318
DSCF5333

DSCF5328