Ciidanka Kenya oo kufsaday gabdho Somali ah

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Kenya ayaa lagu eedeeyay inay kufsi u geesteen haween Soomaaliyeed, si la mid ah kuwa kale ee ka socda dalalka Uganda, Burundi iyo Ethiopia oo Amisom kaa wada tirsan ee jooga Somalia.

Hay’adda Human Rights Watch, ee xuquuda aadanaha u doodda ayaa wabixin ay ka qortay tacaddiga ciidamada Amisom ku sheegtay in askarta Kenya ee ku sugan Jubbooyinka, gaar ahaan kuwa degan duleedka Kismaayo inay kufsadeen gabdho badan oo Soomaali ah.

Warbxinta oo lagu ogaaday wareysi lala yeeshay haween la kufsaday, ayaa tilmaamaysa in haweenka Soomaaliyeed iyo gabdhaha yar yar lagu xadgudbo markii ay raashiin iyo biyo ka doontaan xeryaha ay ciidamada Kenya ka degan yihiin gobollada Jubbooyinka.

Haweenka dhibaatada jinsiga ah u geesteen ciidamada Kenya, ayaa diiday in magacooda iyo sawiradooda loo adeegsado warbixinta Human Rights Watch, iyagoo ka baqaya inay caddaalad waayaan oo dhibaato kale loo geysto.

Ciidamada Kenya iyo kuwa kale ee ka midka ah Amisom waxay dalka kawadaan dilal iyo kufsi ka dhan ah dumarka Soomaaliyeed, gaar ahaan barakacayaasha xeryaha ciidamada shisheeye, mana jirto cid ka damqaneysa, shacab iyo madax intaba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com