Beesha Habar-Gidir oo ka walaacsan GUULEED

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi ka tirsan Beesha Habar-Gidir kuna sugan Magaalada Muqdisho, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Wasiirkii hore ee Wasaarada Arrimaha Gudaha C/kariin Guuleed uu cadaadin kala kulmaayo Odayaasha Beesha Habar-Gidir.

Waxa uu sheegay in Odayaasha ay aad uga walaacsan yihiin kala geynta Beesha, kadib markii ay ka war heleen in Madaxweyne Xasan Sheekh uu damacsan yahay in Guuleed uu ka dhigo Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Somalia.

Siyaasiga ayaa sidoo kale sheegay in Odayaasha ay aad uga soo horjeedaan in Madaxweyne Xasan uu si Siyaasadeysan isaga horkeeno Siyaasiyiinta, waxa uuna tilmaamay in Odayaasha ay C/kariin Guuleed ka codsanayaan in uusan beesha iska horkeyn.

Madaxweyne Xasan ayaa dhankiisa ka wada ololo uu C/kariin Guuleed uga dhigayo Madaxweynaha Gobolada Dhexe, waxa uuna kulamo gaar gaar ah la qaadanayaa Siyaasiyiinta Beesha si ay u taageeran ololaha Madaxweynaha.

Dhanka kale, Dowlada Ethiopia ayaa iyana wadato Siyaasiga Axmed C/salaan, waxa uuna loolanka iminka ka dhexeeya Madaxtooyada Somalia iyo Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com