“Odayaasha Dhuusomareeb way ogolaadeen in ay tagaan Cadaado” Waxaa yiri madaxweyne…!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore Mamaulka Galmudug Maxamed Axmed Caalim ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in la xaliyo ismari waagii shirka maamul u sameynta gobolada dhexe, wuxuuna sheegey in is afgarad laga gaaray waxyaabihii la’isku hayay.

Waxa uu sheegey in kadib sanooyin badan oo dhibaato lagu soo jirey aysan sahlanayn in durba wax la’isku waafaqo, sidaasi darteed in loo baahnaa dib u heshiisiin, tiina dhacday “Waxaa la yiri gacantii daahir ah ayaa wax daahirisa, dadkuna waa in ay wada heshiiyaan” ayuu yiri Caalim.

“Madaxweynaha waa kii ku dhawaaqay saxiixayna, marka waxaa la sugayaa in kana lasoo xiro, kii kalana furmo” ayuu yiri Caalim oo intaasi ku daray in meeshii lagu qabtaaba shirka ay tahay arrin wanaagsan.

Caalim ayaa sheegey in uu maqlay in odayaasha Dhuusamareeb ay ogolaadeen in Cadaado lagu qabtay Shirka maamul u sameynta. Waxa kale oo uu sheegey in madaxweynaha uu guddi u saaray xalinta waxyaabo yaryar oo wali jira, gaar ahaan dhanka Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo tabanaya in heshiis lala galay looga baxay.

Dhanka kale waxa uu qirey in ay jiraan siyaasiyiin iyo dadka kale oo wali qasaya arrimaha gobolka, balse uu ku faraxsanyahay in dowladda ay hadda toos faraha usoo galisey arrinka, xalkana dhowyahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com