Heshiis hordhac ah oo ay galeen DF & beesha..

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya hishiis hordhac ah oo ay gaareen wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya iyo odayaasha beesha Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Kulan saacado qaatay ayaa dhexmaray wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Sheikh Cali Diini iyo odayaashii kasoo carooday magaalada Dhuusomareeb, kadibna tagay magalaada Caabudwaaq.

Mid kamid ah odayaasha ka qeyb galay kulan xalay ka dhacay magaalada Caabudwaaq ayaa sheegay in kulanka wasiirka gaashaandhiga iyo odayaasha dhexmaray lagu gaaray hishiis hordhac ay.

Nabadoon C/qaadir Muuse, oo kamid ah waxgaradka la kulmay wasiirka gaashaandhiga ayaa sheegay iney isla garteen iney ka qeyb galaan shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka oo markii hore ay kasoo caroodeen.

“Weli waxa uu go’aankeena yahay in kii hore ee Odayaasha Beelaha ay wada qaateen oo ahaa in Shirka Maamul u sameynta lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb, waana isla garanay inaan shirka ka qeyb galno” ayuu yiri Nabadoon Cabdiqaadir Muuse.

Wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/qaadir Sheikh Cali ayaa doonaya in odayaasha uu ka dhaadhiciyo iney shirka kaga qeyb galaan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com